Job description
Fursadaha Shaqo ee Barayaasha Barbaarinta (5 Boos) Dugsiyada Ogaal ee Caalamiga ah - (OIS).
Hordhac:
Hay’adda Samafalka Geeska Afrika, waa Hay’ad 26 sano dhallinta barbaarinaysay, waxna baraysay, soona saartay haldoor aad u tiro iyo tayaba badan. Hiigsiga Hay’adduna waa carbinta jiil hormuud ah, diin ahaan, akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba.
Hay’addu waxa ay kaalin laxaad leh ka qaadatay horumarinta waxbarashada ee Geeska Afrika, gaar ahaanna Soomaalilaand, iyada oo hirgelisay 38 dugsi, 151 masjid, iyo 745 ceel.
Dugsiyada Ogaal International Schools – مدارس أوجال العالمية , waa dugsiyo cusub oo hoos yimaadda Hay’adda, kuna yaal Hargeysa, gaar ahaanna xaafadda Masallaha.
Warbixinta Dugsiyada:
Dugsiyada Ogaal International Schools – مدارس أوجال العالمية , waxa loo aasaasay KELIYA in laga soo saaro arday hormuud ah, diin ahaan, akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba.
Ardayga waxa loo diyaariyay deegaan heersare ah, kuna habboon waxbarashada, iyada oo ay u dhan yihiin dhammaan agabkii iyo manaahijtii waxbarasho. Ardaygu waxa uu qaadan doonaa Manhajka Qaranka JSL, UK Pearson Edexcel International IGCSE, iyo manaahij kale oo kab ah, waxana u dhigi doonaa barayaal isugu jira waddaniyiin iyo ajaanib.
Dugsiyada Ogaal International Schools, waxa ay ku tilmaaman yihiin, oo ay dhigood ka ga soocan yihiin, kulminta aqoonta diineed ee ardayga iyo ta maaddiga ah labadaba, gaar ahaanna xifdiga Qur’aanka oo dhammaystiran, shareecada Islaamka, afafka Soomaaliga, Carabiga, Ingiriisiga, oo si’ xeel dheer loo baraayo, iyo waliba isku turjumaaddooda.
Ardayga waxa la korinayaa; kalsoonidiisa, hankiisa, iyo himiladiisa, waxaana loogu talagalay in uu noqdo hogaanka dadka iyo dalkaba, ee horseedaya horumarka umadda dhinac walba.
Warbixinta Booska:
- Macallimad Barbaarineed (KG Teacher –معلمة الروضة )
Macalimaddu waa in ay tahay haldoor, soo saari karta barbaar hormuud ah.
Waa in ay hagi kartaa dhammaan howlaha waxbarasho ee la xidhiidha barbaarinta carruurta, si’ loo soo saaro hormuudka dadka iyo dalkaba. Waa in ay awood u leedahay daryeelka iyo waxbarista ubadka, ilaalinta agabka, tebinta manhajka tacliinta, habaynta jawiga waxbarida iyo waxbarashada oo udub dhexaad u ah guusha ubadka.
- Masuuliyadaha Macallimadda Barbaarinta:
- Fulinta qorshayaasha waxbarashada ubadka ee dugsiga.
- Fulinta siyaasadaha xidhiidh ee ardayga, waalidka, barayaasha, hay’adda, laamaha dawladda, iyo bulshada guud ahaan.
- Hubinta daryeelka, fayadhawrka iyo badqabka ubadka.
- Dejinta qorshe-hawleedka manahajka waxbarashada iyo cashar diyaarinta.
- Maamulka iyo maareynta fasalka.
- Qiimaynta, dhiirrigelinta, iyo horumarinta dhammaan ardayda jaadadkooda kala duwan.
- Ilaalinta akhlaaqda, qaayasoorka iyo dhaqanka suubban ee ubadka.
Skills and qualifications
- Shuruudaha Shaqada.
- Macallimadu waa in ay:
- Heysato ugu yaraan shahaadada darajada koowaad ee heer jaamacadeed oo takhasus waxbarasho ah (BA. Ed), ama la xidhiidha, oo ah heer caalami, ama ay wasaaradda waxbarashada JSL aqoonsan tahay.
- Awooddo maaraynta fasalka.
- Jeceshahay barbaarinta iyo horumarinta ubadka.
- Leedahay khibrad waxdhigid, oo ah ugu yaraan saddex sano.
- Leedahay xirfadaha hoggaaminta, maareeynta mushkiladaha iyo go’aan qaadashada.
- Leedahay diin, akhlaaq fiican iyo dulqaad, kana fayow dahay cudurada la is qaadsiiyo, lahaynna iin wax u dhimmi karta gudashada xilkeeda.
- Horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.
- Leedahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.
- Leedahay xirfadaha asaasiga ah ee isticmaalka kombiyuutarka.
- Leedahay xirfadaha qoraalka iyo soo bandhiggidda.
- Aqoon fiican u leedahay luqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingriisiga.
- Lifaaqyada Muhiimka ah:
- Nuqul shahaaddada iyo transcript-ka darajada 1aad ee jaamacadda.
- Nuqul taariikh nololeedka (CV).
- Nuqul Codsiga shaqada ah (Specific Position – Boos Cayiman).
- Laba nuqul oo ah (Recommendation Letter – تزكية).
- Hal sawir oo la qaaday labadii bil ee ugu dambeysay
Attachments
How to apply
- Nooca Heshiiska Shaqada: Heshiis Xaddidan (1 Sano).
- Wakhtiga Shaqada: 8 Saac.
- Qaabka Dirista Codsiga: [email protected]
FG: Fadlan ku qor E-mail-kaaga cinwaankiisa booska shaqo.
- Xilliga kama dambaysta ah ee aqbalaadda codsigu waa:
(Axad, 23/July/2023 – 12:00PM).