Fursadaha Shaqo ee Barayaasha Qur’aanka (5 Boos) ee Dugsiyada Ogaal ee Caalamiga ah - (OIS).

Horn of Africa Charity Organization
Horn of Africa Charity Organization

Hay’adda Samafalka Geeska Afrika, waa Hay’ad 26 sano dhallinta barbaarinaysay, waxna baraysay, soona saartay haldoor aad u tiro iyo tayaba badan. Hiigsiga  Hay’adduna waa carbinta jiil hormuud ah, diin ahaan, akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba. Hay’addu waxa ay kaalin laxaad leh ka qaadatay horumarinta waxbarashada ee Geeska Afrika, gaar ahaanna Soomaalilaand, iyada oo hirgelisay 38 dugsi, 151 masjid, iyo 745 ceel. Dugsiyada Ogaal International Schools – مدارس أوجال العالمية , waa dugsiyo cus

Job description

Fursadaha Shaqo ee Barayaasha Qur’aanka (5 Boos) ee Dugsiyada Ogaal ee Caalamiga ah - (OIS).

Hordhac: 

Hay’adda Samafalka Geeska Afrika, waa Hay’ad 26 sano dhallinta barbaarinaysay, waxna baraysay, soona saartay haldoor aad u tiro iyo tayaba badan. Hiigsiga  Hay’adduna waa carbinta jiil hormuud ah, diin ahaan, akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba.

Hay’addu waxa ay kaalin laxaad leh ka qaadatay horumarinta waxbarashada ee Geeska Afrika, gaar ahaanna Soomaalilaand, iyada oo hirgelisay 38 dugsi, 151 masjid, iyo 745 ceel.

Dugsiyada Ogaal International Schools – مدارس أوجال العالمية , waa dugsiyo cusub oo hoos yimaadda Hay’adda, kuna yaal Hargeysa, gaar ahaanna xaafadda Masallaha.

Warbixinta Dugsiyada:

Dugsiyada Ogaal International Schools – مدارس أوجال العالمية , waxa loo aasaasay KELIYA in laga soo saaro arday hormuud ah, diin ahaan, akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba.

 Ardayga waxa loo diyaariyay deegaan heersare ah, kuna habboon waxbarashada, iyada oo ay u dhan yihiin dhammaan agabkii iyo manaahijtii waxbarasho. Ardaygu waxa uu qaadan doonaa Manhajka Qaranka JSL, UK Pearson Edexcel International IGCSE, iyo manaahij kale oo kab ah, waxana u dhigi doonaa barayaal isugu jira waddaniyiin iyo ajaanib.

Dugsiyada Ogaal International Schools, waxa ay ku tilmaaman yihiin, oo ay dhigood ka ga soocan yihiin, kulminta aqoonta diineed ee ardayga iyo ta maaddiga ah labadaba, gaar ahaanna xifdiga Qur’aanka oo dhammaystiran, shareecada Islaamka, afafka Soomaaliga, Carabiga, Ingiriisiga, oo si’ xeel dheer loo baraayo, iyo waliba isku turjumaaddooda.  

Ardayga waxa la korinayaa; kalsoonidiisa, hankiisa, iyo himiladiisa, waxaana loogu talagalay in uu noqdo hogaanka dadka iyo dalkaba, ee horseedaya horumarka umadda dhinac walba.

Warbixinta Booska:

  1. Macallin Qur’aan (Qur’an Teacher –معلم القرآن )

Macalinku waa inuu yahay haldoor, soo saari kara barbaar hormuud ah.

Waa in uu dhigi karaa DHAMMAAN culuumta aasaasiga ah Qur’aanka, sida; higaadda iyo tajwiidka. Sidoo kalena hagi karaa howlaha  waxbarasho ee la xidhiidha xifdisiinta Qur’aanka iyo tarbiyaynta carruurta, oo ku salaysan hannaanka barashada Qur’aanka ee casriga ah, si’ loo soo saaro hormuudka dadka iyo dalkaba. Waa in uu awood u leeyahay hanashada quluubta ubadka, daryeelka iyo waxbarista ubadka, ilaalinta agabka, tebinta manhajka Qu’aanka, habaynta jawiga waxbarida iyo waxbarashada oo udub dhexaad u ah guusha ubadka iyo dugsiyada guud ahaan.  Ugu danbayn waa in uu tusaale iyo ku dayasho wacan u noqdaa dhamaan ubadka, bahda dugsiyada, iyo bulshada guud ahaan.

  1. Masuuliyadaha Macallinka:

- Fulinta qorshayaasha waxbarashada Qur’aanka ee dugsiyada.

- Fulinta siyaasadaha xidhiidh ee ardayga, waalidka, barayaasha, hay’adda, laamaha dawladda, iyo bulshada guud ahaan. 

- Hanashada quluubta ubadka, iyo jecleysiinta Qur’aanka kariimka ah.

- Tarbiyaynta carruurta oo ku salaysan hannaanka barashada Qur’aanka ee casriga ah.

- Fahansiinta iyo xifdisiinta ubadka ee seeska (Higaad & Tajwiid) iyo suuradaha Qur’aanka.

- Hubinta daryeelka, fayadhawrka iyo badqabka ubadka.

- Fududaynta qorshe-hawleedka manahajka barista Qur’aanka iyo cashar diyaarinta.

- Maamulka iyo maareynta fasalka.

- Qiimaynta, dhiirrigelinta, iyo horumarinta dhammaan ardayda jaadadkooda kala duwan.

- Ilaalinta akhlaaqda, qaayasoorka iyo dhaqanka suubban ee ubadka.

Skills and qualifications

  1. Shuruudaha Shaqada.
  • Macallinku waa in uu:
  • Haysto ugu yaraan shahaadada xifdiga Qur’aanka, oo ah heer caalami, ama ay Wasaaradda Waxbarashada/Diinta iyo Awqaafta JSL aqoonsan tahay.
  • Haysto IJAAZADA Qur’aanka kariimka ah.
  • Aqoon u leeyahay (Xifdi & Fahan) mutuunta culuumta Qur’aanka.
  • Dhigi karo DHAMMAAN culuumta aasaasiga ah ee Qur’aanka.
  • Awoodo maaraynta fasalka.
  • Jecelyahay tarbiyaynta iyo horumarinta ubadka.
  • Leeyahay khibrad maamul/waxdhigid, oo ah ugu yaraan afar sano.
  • Leeyahay xirfadaha hoggaaminta, maareeynta mushkiladaha iyo go’aan qaadashada.
  • Leeyahay diin, akhlaaq fiican iyo dulqaad, kana fayow yahay cudurada la is qaadsiiyo, lahaynna iin wax u dhimmi karta gudashada xilkiisa.
  • Lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimmi karta.
  • Horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.
  • Leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.
  • Leeyahay xirfadaha asaasiga ah ee isticmaalka kombiyuutarka.
  • Leeyahay xirfadaha qoraalka iyo soo bandhiggidda.
  • Aqoon fiican u leeyahay luqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingriisiga.
  1. Lifaaqyada Muhiimka ah:
  • Nuqul shahaadada xifdiga Qur’aanka kariimka ah.
  • Nuqul shahaadada IJAAZADA Qur’aanka kariimka ah oo lagu kalsoon yahay (معتمد ).
  • Nuqul taariikh nololeedka (CV).
  • Nuqul Codsiga shaqada ah (Specific Position – Boos Cayiman).
  • Saddex nuqul oo ah (Recommendation Letter – تزكية).
  • Hal sawir oo la qaaday labadii bil ee ugu dambeysay.

 

Attachments

How to apply

  1. Nooca Heshiiska Shaqada: Heshiis Xaddidan (1 Sano).
  2. Wakhtiga Shaqada: 10 Saac.
  3. Qaabka Dirista Codsiga: [email protected]

FG: Fadlan ku qor E-mail-kaaga cinwaankiisa booska shaqo.

  1. Xilliga kama dambaysta ah ee aqbalaadda codsigu waa:

(Axad, 23/July/2023 – 12:00PM).

 

Similar Jobs

Hay’adda Samafalka Geeska Afrika, waa Hay’ad 26 sano dhallinta barbaarinaysay, waxna baraysay, soona saartay haldoor aad u tiro iyo tayaba badan. Hiigsiga  Hay’adduna waa carbinta jiil hormuud ah, diin ahaan, akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba. Hay’addu waxa ay kaalin laxaad leh ka qaadatay horumarinta waxbarashada ee Geeska Afrika, gaar ahaanna Soomaalilaand, iyada oo hirgelisay 38 dugsi, 151 masjid, iyo 745 ceel. Dugsiyada Ogaal International Schools – مدارس أوجال العالمية , waa dugsiyo cus

See company details