Job description
Kusaabsan Horn Afrik Real Estate
Shirkada Horn Afrik Real Estate and Property Managenet waa shirkad ka shaqeysa Maamulka, Kireynta Dayactirada guryaha, iyo Adeegyada Sharciga ah iyo weliba iibka guryaha iyo dhulka. Horn Afrik waxey muddo ka shaqeyneysey guddaha Somaliland.
Kusaabsan Shaqada
Shirkada waxay raadinaysaa qof shaqaale ah oo noqda Madax iibka iyo Suuq geynta. Qofkaas oo masuuliyadiisu noqonayso sida hoos ku xusan.
Si caadada ahna qofka shaqadan loo qaato waxaa uu mari doona tijaabo shaqo oo 3 bilood ah, natiijada ka soo baxda ayaa go'aamin doonta talaabada xigta.
Shaqada Laqabanayo
- Qofka Shaqaalaha ah waxaa laga rabaa si guud inuu kor u qaado Iibka iyo magaca company-ga.
- Diiwaan gelinta macaamiisha
- Laxidhiidhka iyo raali galinta macmiilka
- Sameynta is barbardhiga sixirka suuqa si loo helo qiimaha sugan ee hantida
- Sameynta bandhiga guryaha iyo dhulka iibka ama kiraynta u diyaarka ah
- Diyaarinta heshiisyada iyo waraaqaha loo baahan yahay
- Kor u qaadida iibka iyado la isticmaalayo xayeysiisyo iyo bandhigyo
- Joogtaynta iyo cusboonaysiinta warbixinada hantida la xidhiidha.
- Sameynta iyo fulinta siyaasaddo lagu kordhinayo iibka iyo macmiilkaba.
- Kordhinta Macaamiisha ku xidhan shirkada
- Xayeysiinta Adeegyada shirkada iyadoo la isticmaalayo baraha bulshada, TV, Raadiyaha iyo wixii la mid ah
- Lashaqeynta shaqaalaha kale ee company-ga
- Kashaqeynta wixii shaqo uu u diro maamulkiisu
Skills and qualifications
Shuruudaha
Codsadaha shaqadani waa inuu buuxiyo shuruudaha hoos ku xusan.
- Inuu ahaado Muwaadin reer Soomaaliland ah
- Inuu heysto Shahaadada jaamacada ee kuliyada ganacsiga
- Inuu leeyahay xirfado aad u sareeysa oo dhinaca iibka, gorgortanka iyo isgaadhsiinta ah
- Inuu si madax banaan u shaqeyn karo
- Inuu aqoon fiican u leeyahay koombuuterka
- Inuu leeyahay xirfada wadashaqeynta
- Inuu ahaado qof dabacsan oo lagu kalsoonaan karo
- Waa inuu leeyahay khibrad shaqo oo ka badan 3 sanno, isagoo ka shaqeynayey Iibka iyo Suuqgeynta seemeyeyna guulo la taaban karo.
- Waa inuu like, follow iyo share siiyo page ka Horn Afrik
Attachments
How to apply
Sida loo soo dalbanayo
Qofkii raba inuu codsado shaqadan waa inuu raaco talaabooyinkan soo socda:
- Soo dir Warqada Codsiga iyo CV-ga adigoo soo raacinaya shahaadooyinkaagii, iyo wixii cadeymo kale aad heysato adigoo ku diraya [email protected]
- Soo dir sawirkaaga, National ID Card-kaaga ama hadaad leedahay passport (hadaanad heysan dhib badan malaha lakiin qofkii heysta wey caawineysaa)
- Hal email oo kaliya soo dir oo qodobada sare oo dhami ku jiraan. Fariinta markaad direyso Magacaaga oo saddexan Subject uga dhig.
- Codsiga xafiiska laguma qabanayo. wixii faahfaahin ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Wakhtiga uu Xidhmayo
Fadlan soo gudbi codsigaaga ugu dambeyn 25 Feebarwari 2023 2da duhurnimo.