Hooyo (Mother)

SOS Childrens Villages International
SOS Childrens Villages International

SOS Children’s Villages is the world’s largest organization focused on ensuring that children and young people without parental care or at risk of losing it grow up with the care, relationships and support they need to become their strongest selves.

Job description

Fursad Shaqo

Booska Shaqada                                 :               Hooyo (Mother)

Goobta                                                  :              Hargeisa

Wakhtiga ay Xidhmayso   :               2nd July 2022

  1. HORUDHAC:

 Hay’adda Tuulooyinka Caruurta ee SOS waa hay’ad ka howgalaysay Somaliland tan iyo markii wadanka laga hirgaligaya 2002 waxayna xubin buuxda ka tahay daladda Caalamiga ah ee Tuulooyinka Caruurta SOS ee fadhigeedu yahay Austria. Magaalada Hargeisa, Hay’addu waxay gacanta ku haysaa mashaariic kala gedisan sida Tuulada Caruurta, Kobcinta qoyska, iyo Mashruuca gargaarka dagdaga ah. Hay’adaha Tuulooyinka Caruurta ee SOS waxay ku shaqeeysaan xeerka Qaramada Midoobay ee ku aadan ilaalinta xuquuqda caruurta. Qof kasta oo naga mid ah waxaa saaran masuuliyad uu ku ilaaliyo xuquuqda caruurta kana hortago xadgudubyada ka dhanka ah caruurta nooc kasta oo ay yihiin. Hay’adda Tuulooyinka Caruurta SOS Somaliland waxay soo bandhigaysaa fursad shaqo oo ah Hooyo (Mother) oo ka hawlgalaysa  Tuulada caruurta ee SOS.

Macluumaadka Shaqada banaan ee ah Hooyo

Shaqada banaan ee ah hooyo, waa shaqo qofku qabanayo shaqadii hooyada isaga oo  korinaya caruur ay gacanta ku hayso hay’adda daryeesha caruurta ee magaceeda la yidhaahdo SOS Children’s Village. Shaqadani waa shaqo caruur lagu daryeelayo iyadoo la raacayo xeerarka daryeelka caruurta iyo shuruucda waafaqsan arrimahan.

Shuruudaha xulashada guud

  • Dumarka oo keliya ayaa loo tix-gelinayaa shaqada banaan.
  • Qofka hooyadda noqonaya waxaa laga rabaa inuu rabo isla markaana balan qaado shaqo wakhti dheer ah, laguna korinayo hal jiil oo caruur ah ama dhalinyaro ah (ku dhawaad 10 ilaa 15 sannadood)
  • Qofka hooyada noqonaya waxaa laga rabaa diiwaanka warqadda denbi la’aanta iyo inaanay jirin calaamado kale oo muujinaya khataraha ilaalinta ilmaha.
  • Qofka hooyada noqona waxaa laga rabaa kalcagal, xilkasnimo, adkaysi iyo shakhsiyad qiimo leh oo leh qiyam aadaminimo oo xoogan taasooy saldhig u tahay waalidnimo, wada shaqayn iyo is-dhexgal bulsho.

Kartida – aqoonta iyo xirfada laga rabo qofka shaqadan soo doonanaya

Qofka hooyo noqonayaa waa inuu awood  u leedahay, si wanaagsana  u fahmo kaalinta hooyonimmo in ay tahay daryeele ku sugan goob daryeel. Tani waxay u baahantahay inay hooyadu noqoto:

  • In hooyadu rabto in ay la noolaato caruur ama dhalinyaro kuwaas oo aan la noolayn qoysaskii ayka soo jeedeen.
  • Qofka hoooyada noqonayaa waa inuu awood u leeyahay in si shuruud la’aan ah u aqbalo caruurtan iyo dhalinyaradan oo ah kuwo ay soo waajahday ama la soo noolaaday duruufo gaar ah.
  • Qofka hooyada noqonayaa waa inuu aqbalo shuruudaha gaarka ah ee booska waalidka SOS, taas oo ay ku jirto ballan ah inuu la noolaanayo caruurtan wakhtigiisa oo dhan marka laga reebo maalmaha fasaxyada.
  • Qofka hooyada noqonayaa waa inuu diyaar u yahay inuu daryeel siiyo caruurta uu masuulka ka yahay isaga oo kaashanaya xirfadlayaasha nidaamka daryeelka caruurta.
  • Qofka hooyada noqonayaa waa inuu awood u leeyahay inuu fahmo muhiimadda ay ilmaha u leedahahay qaraabada iyo waalidkii dhalay iyo inuu awoodo inuu si hufan ugala shaqeeyo xoojinta xidhiidhkaas.
  • Qofka hooyada noqonayaa waa inuu awood u leeyahay inuu fahmo  caruurta iyo dhalinyarada oo markii la isla garto la midoobi kara midoobaan qoysaskii ay kasoo jeedeen, loogana kaxayn karo si dhammaystiran.

Awood u leh is-hagaajin shakhsiyadeed iyo horumarin xirfadeed:

  • Qofka hooyada noqonayaa waa inuu noqdo qof awood u leh inuu maamulo naftiisa iyo xakamaynta duruufihii uu la soo noolaaday.
  • Qofka hooyada noqonayaa waa inuu noqdo qof awood u leh inuu ka fikiro hab maamulka shaqadiisa, naftiisana horumariyo.
  • Qofka hooyada noqonayaa waa inuu awood u leeyahay, diyaarna u yahay daryeelida iyo ilaalinta caafimaadkiisa jidheed iyo maskaxeed si uu u gudan karo waajibaadkiisa shaqo.  
  • Qofka hooyada noqonayaa waa inuu awood u lee yahay inuu si wanaagsan u maareeyo khaladaadka iyo gefafka ka dhici kara goobta shaqada.
  • Qofka hooyada noqonayaa waa inuu si firfircoon uga qayb qaataa doodaha, tababarada iyo fursadaha dheeriga ah eek a soo bixi kara goobta shaqada.
  • Qofka hooyada noqonayaa waa inuu awood u leeyahay inuu ku dhaqmi karo wixii uu bartay.

Awood u lahaanshaha inaad caruurta iyo dhalinyarada jeclaato:

  • Qofka hooyada noqonayaa waa inuu awood u leeyahay inuu dareemo oo uu muujiyo naxariis
  • Qofka hooyada noqonayaa waa inuu noqdaa qof qalbi wanaagsan isla markaana furfuran oo xidhiidh wanaagsan la leh ilmaha.
  • Waa inuu awood u lee yahay inuu kobciyo xidhiidhada kalgacalka leh.

Awood u lahaanshaha wax ka qabashada dib u dhaca ku yimaada koriinka ilmaha iyo dhalinyarada:

  • Qofka hooyada noqonayaa waa inuu awood u lee yahay inuu fahmo caafimaadka maskaxeed iyo koriinka ilmaha.
  • Qofka hooyada noqonayaa waa inuu awood u leeyahay fahanka baahiyaha gaarka ah ee ilmaha iyo dhalinyarada taasoo ku xeernaan karta ilmaha iyo dhalinyarada, sida dhibaatooyinka caafimaad ee maskaxada la xidhiidha,  dabeecad adayga ama dib u dhac koritaan eek u yimaada ilmaha isla markaana la kaashan kara cid ka caawin karta.
  • Waa inuu noqdaa qof si togan oo degan uga fal-celiya caqabadaha uu kala kulmi karo koriinka caruurta, mar walbana abuuraya xaalad deganaan ah oo ilmuhu ku noolaan karo.

Awood u leh in la abuuro jawi badbaado iyo daryeel qoys si wada jira ah caruurta iyo dhalinyarada:

  • Waa inuu noqdaa qof awood u leh in la abuuro lana maamulo dhaqdhaqaaqa qoyska iyo howl maalmeedka taas oo suurto-gal ka dhigaysa in lagu wada noolaado jawi wanaagsan oo diiran.
  • Waa inuu noqdaa qof awood u leh qaadashada waalidnimo togan iyo edbin wanaagsan.
  • Waa inuu noqdo qof awood u leh ka qayb-gelinta caruurta iyo dhalinyarada xiliga go’aan qaadashada qoyska ee maalinkasta taasoo saamayn ku leh.

Awood u leh hoggaaminta:

  • Waa inuu noqdo qof leh hal-abuur, dabacsanaan, adkaysi iyo dulqaad joogto ah.
  • Waa inuu tusaale u noqdaa caruurta iyo dhalinyarada
  • Waa inuu awood u lee yahay maamulida qoyska, iyo miisaaniyadiisa 
  • Waa inuu awood u lee yahay inuu la taliyo tababarayaasha waalidka Hay’adda SOS iyo kaaliyayaasha qoyska ee ee Hay’adda SOS.

Awood u leh inuu si kalsooni leh ula xidhiidho:

  • Waa inuu awood u lee yahay dhegeysiga, si wanaagsana u cabiri karo dareenkiia iyo fikirkiisa.
  • Waa inuu awood u lee yahay u naxariisashada iyo fahamka fahamka dadka kale
  • Waa inuu awood u leeyahay inuu wax aqbali karo, jawaab celin wanaagsana samayn karo.
  • Waa inuu awood u lee yahay xakamaynta khilaafyada shakhsiyadeed iyo dhisidda xidhiidho wanaagsan.

Awood u leh inaad la shaqayso koox khibrado kala duwan leh:

  • Waa inuu awood u lee yahay samaynta iyo joogtaynta xidhiidhka wada shaqayneed
  • Waa inuu awood u lee yahay inuu gudbiyo baahiyaha iyo taageerada uu u baahan yahay
  • Awood u leh inuu door firfircoon ka ciyaaro go’aan qaadashada

Skills and qualifications

  • Waa in uu yahay qof wax qori kara waxna akhriyi kara
  • Waa in aan da’adiisu ka yaraan 35 jir kana waynaan 45 jir
  • Waa in aanu ilmihiisu ka yaraan 12 jir, waa hadii uu caruur leeyahay
  • Wax inuu noqdo qof wax qori kara waxna akhrin kara.

Attachments

How to apply

Qofka danaynaya shaqadan buuxina kara shuruudaha kor ku xusan, waxaa uu soo dirayaa codsigiisa iyo qoraal koobayaa taariikhdiisa waxbarasho, xirfadiisa shaqo (CV). 

 Waxaa lagu soo hagaajin karaa arjiyada emailkan: [email protected] ama xarunta ay SOS ku leedahay Hargeisa.

..................................................

NAGUSOO BIIR ---  SOMALI JOBS

Telegram: https://t.me/somalijobsinc

Linkedin: https://www.linkedin.com/company/somali-jobs/

Facebook: https://www.facebook.com/somalijobs

Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somalijobs

Twitter: https://twitter.com/somalijobs

Instagram: https://www.instagram.com/somalijobs/

Application: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs

.................................................

Similar Jobs

SOS Children’s Villages is the world’s largest organization focused on ensuring that children and young people without parental care or at risk of losing it grow up with the care, relationships and support they need to become their strongest selves.

See company details