Job description
Ku soo biir kooxda Hibo Digital! Waxaan shaqaalaysiinaynaa maamule ganacsi (commercial manager).
Ma tahay maamule ganacsi oo aqoon u leh maamulka iyo maareynta istaraatiijiyadeed ee shirkadaha ganacsiga? Hibo Digital, oo ah hormuudka shirkadaha ka shaqeeya kobcinta ganacsiga, suuq-geynta dhijitaalka ah, xayaysiimaha, iyo guud ahaan adeegyada xiriirka dadweynaha, ayaa ku baadigoobeysa.
Ku saabsan Hibo Digital:
Hibo Digital waa shirkad bixisa adeegyada guud ee dhijitaalka ah iyo fududeynta xiriirka bulshada. Waxa ay macaamiisheeda ka haqab-tirtaa adeegyada ganacsi oo ay ku jiraan suuq-geynta, xayeysiimaha, xisaabaadka, daabacaadda, maamulka munaasabadaha iyo sameynta muuqaallada animations-ka ah.
Hibo Digital waxa ay u taagan tahay u soo bandhigidda badeecadaha, adeegyada iyo tayada ganacsi ee shirkad iyo shakhsi walba, si ay ku jirto xirfad iyo hal-abuurnimo.
Skills and qualifications
Shuruudaha shaqada:
1. Shahaadada heerka 1-aad ee jaamacadda ee maamulka ganacsiga, suuq-geynta, xiriirka dadweynaha ama waxyaabaha xiriirka la leh.
2. Ugu yaraan waayo-aragnimo labo sano ah oo la xiriirta maamulka ganacsiga.
3. Inuu aqoon u leeyahay isticmaalka iyo adeegsiga kumbiyuutar-ka iyo teknoolajiyada.
4. Inuu faham qotodheer ka heysto xirfadaha gorgortanka, suuq-geynta, dhaqdhaqaaqa suuqa, iyo la-dhaqanka macaamiisha.
5. Inuu awood u leeyahay la qabsiga jawi shaqo oo howl iyo mashquul badan.
Masuuliyadaha shaqada:
1. Inuu dejiyo xeelado ganacsi oo wax-ku-ool ah si kor loogu qaado koboca ganacsiga, loona kordhiyo dakhliga.
2. Inuu darso isla markaana qiimeyn ku sameeyo fursadaha ganacsi ee cusub, iskaashiyada, iyo wada-shaqeynta daneeyeyaasha kale, si loo ballaariyo ka dhex muuqashada shirkadda ee suuqa.
3. Inuu hoggaamiyo wada-xaajoodyada iyo gorgortanka ay shirkaddu la yeelaneyso macaamiisha, ganacsatada kale, iyo la-howlgaleyaasha suuqa, si loo helo heshiisyo waafaqsan danaha shirkadda.
4. Inuu sameeyo cilmi-baarisyada suuqa si uu ula socodsiiyo macaamiisha shirkadda isbedellada suuqa, baahiyaha macaamiisha, iyo sidoo kale khataraha iyo fursadaha suuqa.
5. Inuu la shaqeeyo kooxda shirkadda si loo hubiyo fulinta hindiseyaasha ganacsiga.
6. Inuu xiriir joogto ah la sameeyo macaamiisha muhiimka ah iyo saaxiibbada shirkadda ee muddada fog.
Attachments
How to apply
Sida loo soo codsan karo:
Haddii aad aaminsan tahay inaad buuxin karto shuruudaha shaqada isla markaana aad gudan karto masuuliyadaha sare ku xusan, fadlan ku soo dir codsigaaga shaqo iyo sooyaalkaaga (CV) [email protected].
F.G: Fursaddan way u furan tahay rag iyo dumarba.
Waqtiga ugu dambeeya ee codsiga(Deadline) waa 25-ka Febaraayo.
Goobta: Muqdisho-Somalia