Job description
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) waxay ogeysiinaysaa dhammaan aqoonyahannada Soomaaliyeed ee buuxin kara shuruudaha hoos ku xusan inay bannaan yihiin 8 boos oo bareyaal jaamacadeed ah, kuwaas oo ka kala bannaan afar kulliyadood.
Boosaska Bannaan
1. Kulliyadda Culuumta Caafimaadka – Muqdisho
3 Bare | Ammin-Dhimman (Part-Time)
- Midwifery – 1 boos
- Histopathology and Cytopathology – 1 boos
- Medical Parasitology – 1 boos
2. Kulliyadda Dhaqaalaha & Maamulka – Muqdisho
1 Bare | Ammin-Buuxa (Full-Time)
- Statistics – 1 boos
3. Kulliyadda Injineeriyadda – Muqdisho
2 Bare | Ammin-Dhimman (Part-Time)
- Architecture Engineering – 2 boos
4. Kulliyadda Sayniska – Muqdisho
2 Bare | Ammin-Dhimman (Part-Time)
- Petroleum Geology & Energy Resources – 1 boos
- Geology – 1 boos
Skills and qualifications
Shuruudaha Codsadaha
Codsaduhu waa inuu:
- Haystaa shahaadada heerka koowaad iyo labaad, ama heerka saddexaad, ee takhasuska uu codsanayo.
- Leeyahay ugu yaraan celcelis darajo B.
- Leeyahay ugu yaraan 3 sano oo khibrad wax-dhigis heer jaamacadeed ah.
- Sameeyey cilmi-baarisyo la xiriira takhasuskiisa.
Dukumentiyada Loo Baahan Yahay
Codsadayaasha waxaa laga doonayaa inay soo gudbiyaan:
- Sooyaal-nololeed (CV)
- Codsi shaqo (Application Letter)
- Shahaadooyinka waxbarasho iyo Transcripts
- Warqad caddeynaysa khibradda shaqo (Employment Experience Certificate)
Attachments
How to apply
Habka Codsiga
Buuxi foomka Codsiga Shaqada adiga oo dhamaan dukumintiyada loo baahan yahay soo xaraynaya
Waqtiga kama dambaysta ah ee codsiga: 30-ka Sebtembar 2026.
Xuquuqda bareyaasha waxaa lagu bixin doonaa iyadoo la raacayo nidaamka mushaar-bixinta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS)
Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha