Printing

somalijobs
Dawladda Hoosee Ee Degmada Berbera

Midwife & Nursing - (9 Positions)

Dawladda Hoosee Ee Degmada Berbera

Job details

Posted Date

Jan, 20

Expire Date

Jan, 27

Category

Health/wash

Location

Berbera

Type

Full Time

Salary

---

Education

Degree

Experience

3 - 4 years

Job description

Jamhuuriyadda Somaliland
Dawladda Hoose ee Degmada Berbera
Republic of Somaliland / Municipality of Berbera

Xafiiska Maamulka Shaqaalaha Dawladda Hoose ee Degmada Berbera

REF: XMDH/DB/XSH/21/2026
Taariikh: Isniin, January 19, 2026

Ku: Cidii Danaynaysa
Ujeeddo: Baahin Fursado Shaqo

Dawladda hoose ee degmada Berbera waxay baahinaysaa 9 fursadood oo shaqo, kuwaas oo kala ah 4 Umuliso (Midwife) iyo 5 Kalkaaliso (Nursing) oo ka banaan xarunta hooyada iyo dhallaanka Bulaxaar MCH.

Sidaa darteed cidii danaynaysa in ay ka faa’iidaysato fursadahaas shaqo kana mid noqdaan shaqaalaha boosaskaas, waxaa lagu wargelinayaa inay ku soo hagaajiyaan CV-yadooda, shahaadooyinkooda iyo dhammaan shuruudaha looga baahan yahay xafiiska shaqaalaha dawladda hoose ee degmada Berbera.

Skills and qualifications

Shuruudaha Looga Baahan Yahay Codsadayaasha

  1. Shahaado waxbarasho oo umulisanimo (University degree of Midwife)

  2. Shahaado waxbarasho oo kalkaalisanimo (University degree of Nursing)

  3. Waayo-aragnimo shaqo ugu yaraan 3 sano

  4. Inuu qofku yahay muwaadin Somaliland ah haystana kaadhka dhalashada Somaliland

  5. Inuu keeno warqadda danbi la’aanta

  6. Inuu soo gudbiyo warqadda caafimaadka oo cadaynaysa inuu maskax ahaan iyo jidh ahaanba u caafimaad qabo

How to apply

Qabashada araajidu waxay socon doontaa muddo dhan 7 maalmood, oo ka bilaabmaysa January 20, 2026 kuna dhammaanaysa January 27, 2026.

Guuleed Maxamed Daahir
Madaxa Shaqaalaha
Dawladda Hoose ee Degmada Berbera

(Shaabad & Saxiix)

Dawladda Hoose ee Degmada Berbera – Xafiiska Maamulka Shaqaalaha
Tel: 063-8080919