Job details
Posted Date
Today
Expire Date
Jun, 15
Category
Marketing
Location
Mogadishu
Type
Full Time
Salary
---
Education
Secondary
Experience
1 - 2 years
Job description
MASUULKA SUUQ GEYNTA IYO IIBKA
(Sales & Marketing Officer)
Shirkadda: Kobac Business Company
Goobta Shaqada: Suuqa Bakaaraha, Muqdisho, Soomaaliya
Nooca Shaqada: Joogto ah (Full-Time)
Ku Saabsan Kobac Business Company
Kobac Business Company waa shirkad hormuud ka ah ganacsiga dharka, kana hawlgasha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho. Shirkaddu waxay ku takhasustay soo dejinta, qaybinta, iyo iibinta dhar tayo sare leh oo loogu talagalay jumladleyda, tafaariiqleyda, iyo macaamiisha kale ee dalka oo dhan.
Iyadoo shirkaddu ku jirto koboc iyo ballaarin joogto ah, waxaan raadineynaa masuul Suuq geynta iyo Iib ka ku fiican oo firfircoon, karti leh. Qofka la shaqaaleysiinayo wuxuu door muhiim ah ka qaadan doonaa suuq-geynta badeecadaha shirkadda, soo bandhigista badeecadaha cusub, kordhinta macaamiisha, kobcinta iibka, iyo taageeridda kobaca ganacsiga shirkadda.
Waajibaadka iyo Mas'uuliyadaha Shaqada
Qofka la shaqaaleysiinayo wuxuu yeelan doonaa waajibaadyada iyo mas'uuliyadaha soo socda, waa in uu:
- Suuq geeyo oo iibiyo badeecadaha shirkadda.
- Soo bandhigo badeecadaha cusub isla markaana soo jiito macaamiil cusub.
- Dhiso xiriir wanaagsan oo macaamiisha lala yeesho.
- Ka ururiyo macaamiisha lacagaha iibka iyo deymaha ku waajibay.
- La socdo baahiyaha macaamiisha iyo isbeddellada suuqa.
- Diyaariyo una gudbiyo Waaxda Xisaabaadka warbixinnada maalinlaha ah.
- Si xirfad leh u matalo shirkadda una bixiyo adeeg macaamiil oo tayo leh.
- Fuliyo waajibaad kasta oo kale oo maamulka shirkaddu u igmado.
Skills and qualifications
Shuruudaha iyo Aqoonta Loo Baahan Yahay
- Shahaadada Dugsiga Sare, Diploma, ama Shahaado Jaamacadeed oo la xiriirta Suuq geynta, Maamulka Ganacsiga, Iibka, ama maaddooyin la xiriira.
- Ugu yaraan hal (1) sano oo waayo aragnimo ah oo la xiriirta iibka, suuq geynta, adeegga macaamiisha, ama shaqooyin la mid ah.
- Ku hadalka iyo qorista Af-Soomaaliga si wanaagsan.
How to apply
Sida Loo Codsanaayo
Dadka danaynaya shaqadaan waxaa laga codsanayaa inay soo diraan:
- CV-ga (Taariikh Nololeedka)
- Warqadda Codsiga Shaqada (Cover Letter)
- Nuqullada Shahaadooyinka Waxbarasho iyo Tababarrada
Email: [email protected]
Cinwaanka Email ka: Codsiga Shaqada Masuulka Suuq geynta iyo Iibka
Wakhtiga Ugu Dambeeya ee Codsiyada
15 June 2026
Kobac Business Company waxay soo dhoweynaysaa dhammaan qof kasta oo buuxin kara jagadaan, shuruudaheeda iyo waajibaad keeda.
Wixii faahfaahin dheeraad ah ama suaal ah fadlan la xariir number kaan (+252614552645)