Job details
Posted Date
Today
Expire Date
Aug, 20
Category
Trainer/teacher/lecturer
Location
Salahley
Type
Full Time
Salary
---
Education
Degree
Experience
5 - 6 years
Job description
SHAQOOYIN BANAAN
DUGSIGA SALLAXLEY
Waxaan raadinaynaa shaqaale karti iyo daacadnimo leh oo naga qayb qaata waxbarashada iyo barbaarinta ardayda.
Hoos ka eeg shuruudaha jagooyinka banaan iyo sida dalabka loo gudbiyo.
Jagooyinka banaan: 4 Nooc
Xilliga dalabka: 20 / 08 / 2026
Goobta: Sallaxley
Skills and qualifications
1) Shuruudaha Maamulaha Dugsiga Sallaxley ee Jiifka leh
Jagada: Maamulaha
Aqoonta ugu yaraan shahaado jaamacadeed heerka koowaad.
Khibrad ugu yaraan 5 sano oo maamul ah.
Sumcad fiican iyo hoggaamin fiican.
Aqoon fiican oo luqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisiga.
Da'da 30 ilaa 60 – 50 jir. E
Waa in uu ka haystaa tazkiyooyin jihooyin lagu kalsoon yahay, sida Culimada iyo Jaamacadaha Dalka.
Waa in uu caafimaad qabaa.
Waa in uu diyaar u yahay in uu shaqeeyo saacadaha dheeraadka ah ee shaqadu u baahan
tahay.
Waa in uu yahay qof dhawrsan oo aan wax balwad ah lahayn.
2. Shuruudaha Macallimiinta Dugsiga Sallaxley ee Jeefka leh
Waa in uu leeyahay aqoon heer jaamacadeed ah ugu yaraan heerka koowaad.
Khibrad ugu yaraan 3 sanadood ah.
Waa in uu yahay qof dhawrsan oo aan wax balwad ah lahayn.
Waa in uu yahay barbaariye dad tayo leh soo saari kara.
Waa in aanu ka yaraan 25 sano kana weynaan 50 jir.
Waa in uu caafimaad qabaa.
Waa in uu ka haystaa tazkiyooyin jihooyin lagu kalsoon yahay.
3) Shuruudaha Macallinka Qur'aanka Kariimka
Waa in uu xifdisan yahay Kitaabka Alle oo dhan, shahaadadii xifdigana haystaa.
Waa in uu ijaaso haystaa.
Waa in uu leeyahay khibrad ugu yaraan 3 sano.
Waa in uu yahay qof toosan.
Waa in uu ka haystaa tazkiyooyin jihooyin lagu kalsoon yahay.
Waa in uu caafimaad qabaa.
4) Shuruudaha Barbaariyaha Dugsiga Sallaxley
Waa in uu leeyahay aqoon fiican oo shareecada ah.
Waa in uu yahay qof sumcad fiican leh oo dhawrsan.
Waa in aanu ka yaraan 30 sano kana weynaan 55 sano.
Waa in uu caafimaad qabaa.
Waa in uu leeyahay khibrad ugu yaraan 3 sano.
Waa in uu ka haystaa tazkiyooyin jihooyin lagu kalsoon yahay.
How to apply
SIDEE LOO CODSADAA?
Dalabka iyo dukumiintiyada taageeraya u dir cinwaanka hoose ka hor wakhtiga kama dambaysta ah.
Emailka [email protected]
Telephone
0634118087
Wakhtiga ugu danbeeya (Deadline)
Khamiis, 20/08/2026