Job details
Posted Date
Aug, 08
Expire Date
Aug, 17
Category
Legal/law/liaison
Location
Somalia
Type
Full Time
Salary
---
Education
Degree
Experience
Unspecified
Job description
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA MAXKAMADDA SARE
ةيلارديفلا لاــموــصلا ةـيروـهـمـج ايلعلا ةمكحملا
FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
SUPREME COURT
Ujeeddo: Baahin Shaqo Garsoorenimo:
Nooca Shaqada: Garsoorayaal
Goobta Shaqada: Maxkamaddaha Darajada Koowaad & Labaad
Tirada Shaqooyinka Banaan: 30 Garsoore
Taariikhda qabashada codsiyadu xirmayaan: 17/08/2023
Hordhac:
Garsoorku waa hay’adda Qaranka ugu xilsaaran ilaalinta, isku xukunka iyo ku dhaqanka sharciga, dhawrista xuquuqda aadanaha, xallinta cabashooyinka u dhaxeeya dadweynaha ama muwaadiniinta iyo hay’adaha dawliga ah, sidoo kale garsoorku wuxuu u xilsaaran yahay ciqaabta iyo anshax marinta dambiileyaasha. Taas macnaheedu waa in garsoorku mas’uul ka yahay guud ahaan caddaaladda waddanka. Garsoorku waxa uu u taagan yahay u adeegidda muwaadiniinta iyo dadka kale ee daggan dalka, isagoo ka shaqeeya sidii ay u heli lahaayeen adeeg caddaaladeed oo ay aasaas u tahay hufnaan, eex la’aan, dhexdhexaadnimo oo ay fulinayaan adeegeyaal daacad ah, ammaano leh, karti iyo hufnaan leh, shaqo yaqaan ah aqoonna u leh shaqada ay qabanayaan.
Si haddaba loo xaqiijiyo ujeeddada garsoorku u taaganyay ee sare ku xusan loona haqab-tiro baahida ka jirta maxkamadaha derajada koowaad iyo darajada labaad ee ah yaraanta garsooreyaasha ka hawl-gala maxkamdahaas, Garsoorka Gobolka Banaadir wuxuu qaadanayaa tiro garsooreyaal ah si loo dardargeliyo adeegga garsoorku u fidiyo bulshada soomaaliyeed guud ahaan .
Waajibaadka Garsooraha:
- U gudashada shaqada garsoorenimo si hufan, madaxbannaan, dhexdhexaad ah, kuna dheehan tahay howlkarnimo, sinnaan iyo caddaalad.
- U hoggaansanaanta, dabaqidda iyo ilaalinta sarraynta sharciga mar kasta iyo xaalad kasta cabsi iyo eex la’aan.
- Socodsiinta, Maamulidda, dhegeysiga, ka garnaqidda iyo go’aan ka gaarista. dacwadaha si waafaqsan sharciga.
- Xaqiijinta in dhinacyadu helaan fursado siman maxkamadda horteeda.
- Qiimeynta iyo go’aan ka gaarista caddaymaha maxkamadda la hor keeno.
- Samaynta cilmi baarisyo la xiriiraa dacwadaha horyaala garsooraha iyo sharciyada uu dabaqayo.
- U socodsiinta dacwadaha si aan daahis laheyn.
- Ugu adeegidda bulshada sida ay ku jirto danta caddaaladda oo kaliya.
Skills and qualifications
Shuruudaha qofka garsooraha loo qaadanayo:
- Waa in uu yahay muwaadin u dhashay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dhimirkiisu dhan yahay, balwadna lahayn, aan gelin dambi maxkamaddi ku xukuntey si kama dambays ah, da’diisuna ka yarayn 30 sanno.
- Waa in uu ka heysto Jaamacad la aqoonsan yahay, ugu yaraan shahaadada heerka koowaad dhanka sharci ga ah.
- Waa in uu faham fiican ka haysto shareecada islaamka, dastuurka dalka iyo qawaaniinta kale ee dalka u yaala gaar ahaan xeerarka ciqaabta iyo madaniga soomaaliya.
- Waa in uu leeyahay ugu yaraan hal sanno oo waayo-aragnimo ku shaqaynta sharciga ah.
- Waa in uu leeyahay anshax suubban iyo sumcad wanaagsan bulshada dhexdeeda;
- Waa inuu aqoon fiican u leeyahay adeegsiga aaladda computer-ka.
- Waa in uu leeyahay xirfad sare oo xallinta khilaafaadka.
- Waa in uu qori karo kuna hadli karo luqadaha (Af-soomaali, Carabi iyo Ingiriisi)
How to apply
Qofka danaynaya shaqadaan waxa uu ku soo diri karaa codsiyigiisa shaqo, macluumaadka taariikh nololeedkiisa [CV] iyo nuqul kamid ah shahaadooyinkiisa jaamacadeed, E-mail kan: [email protected] , iyada oo la buuxinayo foomka la socda. Qabashada Codsiyada shaqo waxay xirmaysaa 17/08/2023.