General Accounting

Innovation for Development Empowerment Agency
Innovation for Development Empowerment Agency

Innovation for Development Empowerment Agency (IDEA) is committed to empowering communities through innovative programs, entrepreneurship support, and sustainable development initiatives.

Job description

Magaca Shaqada: Xisaabiyaha Guuud (General Accounting)
Waaxda: Maaliyadda
Kormeera: Xisaabiyeyaasha Laamaha
U warbixiyaa: Agaasimaha Maaliyadda
Sharaxaad Kooban
Xisaabiyaha Guuud wuxuu mas’uul ka yahay kormeerka, ansixinta, iyo xakameynta dhammaan
macaamilada maaliyadeed ee maalinlaha ah ee shirkadda. Doorkan wuxuu hubiyaa saxnaanta,
hufnaanta, iyo anshaxa iibka, iibka alaabta, lacag bixinta, dhaqdhaqaaqa alaabta, iyo warbixinta
maaliyadda, isagoo ilaalinaya xakameyn maaliyadeed oo xooggan iyo isla xisaabtan.
Waajibaadka Muhiimka ah iyo Mas’uuliyadaha
1. Xiritaanka Cash accounts ee dhammaan laamaha shirkadda.
2. Diiwaangelinta badeecadaha cusub nidaamka xisaabaadka (Odoo Accounting system) si
sax ah oo waqtigeeda ku habboon.
3. La socodka daymaha ka maqan shirkadda (AR) e waqtigodi ladhaafay, iyo daymaha lagu
leeyahay shirkadda (AP).
4. La socodka dhammaan dhacdoyinka maalinlaha ah (Daily Transaction) e iibka si loo
hubiyo dhammaystir iyo saxnaanta.
5. Kormeerka iyo la socodka soo celinta badeeco la iibsaday iyo hubinta in wax ka beddelka
maaliyadeed si sax ah loo sameeyay.
6. Dib u eegista, iyo la socodka dhammaan lacagaha la bixiyo maalin kasta (Daily payments),
oo ay ku jiraan lacagaha yar-yar iyo lacagaha waaweyn.
7. Hubinta in lacag bixinta lamarsiiyay dukumiintiyo sax ah isla markaana waafaqsan
siyaasadaha shirkadda.
8. La socodka iibsashada maalinlaha ah (Daliy purchases) si loo hubiyo qiimaha, tirada, iyo
ansixinta saxda ah.
9. Ka qeyb qaadashada hawlaha kale ee shirkadda marka loo baahdo.
10. Diyaarinta warbixinno dhameystiran dhammaan laamaha shirkadda (Isbuucle iyo Bile)

Skills and qualifications

Shuruudaha Laga Rabo ( Job Requirements)
• Shahaadada Bachelor-ka ee Xisaabaadka, Maaliyadda, ama qayb la xiriirta.
• Ugu yaraan 3 sano oo khibrad xisaabaad ama maaliyadeed.
• Aqoon heer sare ah oo ku saabsan barnaamijyada xisaabaadka e “Odoo”.
• Fahamka xooggan ee howlaha xisaabaadka maalinlaha ah.
• Feejignaan sare iyo anshax maaliyadeed.
• Awood u lahaanshaha kormeerka, xaqiijinta, iyo ansixinta hawlaha maaliyadeed.
• Xirfado warbixin iyo falanqayn oo xooggan.

Attachments

How to apply

Deadline: 6th March  2026

Send Your application documents to: [email protected]

Similar Jobs

Innovation for Development Empowerment Agency (IDEA) is committed to empowering communities through innovative programs, entrepreneurship support, and sustainable development initiatives.

See company details