Call for Applications: Codsiga ka qeybgalka Hindisaha Shaqo Abuurka Beeraha ee RAAS

RAAS Agribusiness Solution
RAAS Agribusiness Solution

RAAS Agribusiness Solution is a leading agribusiness company based in Somalia, we are dedicated to transforming agricultural practices in the region. We focus on providing innovative solutions, including smart farming, greenhouse technologies, and drip irrigation systems, aimed at enhancing food security and empowering local farmers

Job description

CODSIGA KA QEEYBGAL-KA HIDISAHA MAAL-GALINTA BEERAHA CASRIGA AH (GREENHOUSE & OPEN FEILD DRIP IRRIGATION)

RAAS Agribusiness Solution  waxa eey shaqo abuur dhanka beeraha ah u sameeyneeysaa 365 qof si kor loogu qaado wax-soosaarka beeraha una xoojiso suuqeeda gudaha. mashruucaan wuxuu diiradda saarayaa kor u qaadista shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dadka danyarta ah iyada oo la adeegsanayo teknoolojiyadda casriga ah ee beeraha sida Greenhouse-yada iyo nidaamka waraabka tuubooyinka (drip irrigation). Mashruucani wuxuu siinayaa dhallinyarada fursado tababar iyo ganacsi si ay ugu horumariyaan xirfadaha beerashada casriga ah, taasoo qayb ka ah xalalka shaqo abuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.  Si aad uga qayb gasho mashruucan, fadlan Akhi shuruudaha oo buuxi foomka codsiga ee ku lifaaqan halkaan.
shuruudaha ka qaybgalka: 

  1. Codsaduhu waa in uu ku noolyahay mid kamid ah magaalooyinka Muqdisho, Afgooye iyo Balcad.
  2. Waa in uu codsaduha yahay dhallinyaro (rag ama dumar) da'doodu ka yar tahay 30 sano.
  3. Waa in codsaduhu muujiyaa rabitaan iyo go’aan uu si buuxdo uga qayb qaadanayo barnaamijka isagoo keenaya warqad ballanqaad ah. Mudnaanta waxaa la siinayaa dadka ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ama dadka jilicsan.
  4. Codsadaduhu  waa in uu maskax ahaan u diyaarsan yahay oo awoodo in uu ka qeyb qaato hawlaha beeraha iyo waxsoosaarka.
  5. Codsaduhu waa inuu leeyahay taariikh wanaagsan kana fog yahay ku lug lahaanshaha dambiyo hore.

Shuruudaha xulasha:

  1. Waa in uu qofku iska bixin karo 8% qiimaha tiknolojiyadda si hormaris ah. (20 dhibcood)
  2. Waa in uu qofku iska bixin karo 49% qiimaha greenhouse-ka si bille ah kadib marka uu billaabo gurashada beerta, inta kale ee soo hartay waa laga bixinayaa. (10 dhibcood).
  3.  Waxaa la dhiirra-galinaya gabdhaha beeraleeyda ah oo 50% ka ah mashruucaan.  (10 dhibcood).
  4. Codsadaha leh aqoon beereed oo keeni kara cadeeymo (10 dhibcood).
  5. Qofkii heesta dhul una keeno caddeeynta oggolaanshaha dhulka isla markaana uu ku haboon yahay wax-beerashada. (20 dhibcood)
  6. Ardayda dhawaan jaamacadaha ka qalin jabiyay ee caddeeyo in eeey lee yihiin aqoon beered. (10 dhibcood).
  7. Codsadeyaasha ka soo jeeda barakacayaasha ee magaalooyinka ee keeno dukumentiyo taageeraya. (10 dhibcood).
  8. Koox codsadeyaal ah: beeraha greenhouse-yada ah kooxuhu waa inay ka koobnaadaan shan xubnood oo ka kala yimid shan qooys. halka beerahaa dhulka bannaan ah (drip irrigation 100m*100) kooxuhu waa inay ka koobnaadaan toban qof oo ka kala yimid toban qoys oo kala duwan - 10 dhibcood

Skills and qualifications

linkga codsiga: https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSewI_7N4afRsUP8A9xS9_0Aki2_G1ozO7k9UXP7Jpc_DCordQ/viewform

IS-DIIWAAN GALINTU WAXA EEY KU EGTAHAY 15-11-2024

Attachments

How to apply

Hindisaha Shaqo Abuurka Beeraha ee RAAS -  Foomka Codsiga..

Waxaa la furay fursadaha codsiga ee Hindisaha Shaqo Abuurka Beeraha ee RAAS. 

Halkan guji si aad codsigaaaga u soo gudbiso:  https://forms.gle/Xj5X1PzjvdAosMT16

Waqtiga kama dambaysta codsiga: 15-ka November, 2024.

Guul ayaa idin rajeyneynaa.

Similar Jobs

RAAS Agribusiness Solution is a leading agribusiness company based in Somalia, we are dedicated to transforming agricultural practices in the region. We focus on providing innovative solutions, including smart farming, greenhouse technologies, and drip irrigation systems, aimed at enhancing food security and empowering local farmers

See company details