Job description
Wasaaradda Waxbarashda, Hiddaha & Tacliinta Sare
FURSAD SHAQO TABABARE BARE MUDDO GO’AN
Hordhac:
Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare waxa farxad u ah inay si daahfuran u soo bandhigto fursad shaqo tababare bare ah. Tababarayaashan la qaadan doono waxa ay ka shaqo gelayaan mid ka mid ah magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Muqdishu, Beledweyne, ama Dhuusamareeb. Codsadaha waxa uu dooran doonnaa halka uu ka shaqeyn doono, iyadoo ay dowlad goboleed walba ka howl geli doonaan tiro tababarayaal jaan go’an.
Tababare walba marka uu buuxinayo dalabka codsiga oo ah online wuxuu codsan doonnaa gobolka uu ka shaqeynayo, haddii uu kala saaridda hore ku soo gudbana waxa ay howlihiisa kale ( wareysiga shaqo, tababarka, nidaaminta, iwm) oo dhan ka socon doonaan degmada dowlad goboleedka uu doortay ee uu tababarka ka bilaabanayo.
Skills and qualifications
Haddaba shuruudaha looga baahan yahay codsadaha/musharaxa shaqada waa sidatan soo socoto:
- Shuruudo Guud:
- Inuu heysto ugu yaraan shahaaddada darajada labaad ee heer jaamacadeed oo takhasus waxbarasho ah ( M. Ed), oo ay wasaaradda waxbarashadu aqoonsan tahay.
- Inuu leeyahay khibrad waxdhigid oo ugu yaraan shan sano ah.
- Inuusan lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimmi karta.
- Inuu leeyahay akhlaaq fiican iyo dulqaad, ka fayow yahay cudurada la is qaadsiiyo, aanu lahayna iin wax u dhimmi karta gudashada xilkiisa.
- Inuusan horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.
- In uu leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.
- Inuu leeyahay xirfadaha asaasiga ah ee isticmaalka kombiyuutarka.
Attachments
How to apply
Codsiga shaqada waa qaab online ah oo aad ka heli kartid:
https://codsigamacallinimada.emis.gov.so/tot_application_add.php
iyadoo la buuxinayo dhammaan xogaha codsiga ku jira lana soo raacinayo dokumentiyada hoos ku xusan:
- Nuqul shahaaddada iyo trancriptiga darajada 2aad ee jaamacadda
- Nuqul taariikh nololeedka.
- Hal sawir oo la qaaday labadii bil ee igu dambeysay.
Fiiro Gaar ah:
Codsade walba waxa uu soo gudbin karaa oo keliya hal dalab isagoo ku caddeynaya halka gobol ee uu ka shaqeynayo.
Dalabka codsiga waxaa uu xirmayaa 8-da Maarso, 2023 saacadda 11:59 PM