BAAHIN SHAQOOYIN : GARSOORIYAAL & XEER-ILAALIYAAL(48 JAGO)

Southwest State Of Somalia (SWS)
Southwest State Of Somalia (SWS)

The South-West State of Somalia (Somali: Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Maay Maay: Koofur Orsi), is a Federal Member State in southwestern Somalia. It was founded by Hasan Muhammad Nur Shatigadud, leader of the Somalia RRA on 1 April 2002. It was the third autonomous region to be established.

Job description

UJEEDDO: BAAHIN SHAQO – JAGOOYINKA GARSOORIYAAL & XEER-ILAALIYAAL

 

HORDHAC

Iyadoo la tixraacayo Digreetada Magacaabista ee Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Koonfur Galbeed, Tirsigeedu yahay: Moj/SW/527/26 kuna tariikhsaneyd 01/10/2026, taasoo ku saabsan magacaabidda Guddiga Imtixaanka Qaadista Garsoorka Koonfur Galbeed, Guddigu wuxuu si rasmi ah ubaahinayaa jagooyinka shaqo ee hoos ku xusan, si loo xoojiyo adeegyada cadaaladda, loona buuxiyo baahiyaha ka jira hay'ada garsoorka ee Koonfur Galbeed.

Garsoorku waa hay'adda dowladda ee u xilsaaran ilaalinta iyo dhaqangelinta sharciga, dhowrista xuquuqda aadanaha, xallinta khilaafaadka iyo cabashooyinka ka dhex dhasha bulshada iyo hay'adaha dowladda, iyo fulinta hawlaha kale ee cadaaladda ee uu sharciyu u xilsaaray.

Garsoorku wuxuu u taagan yahay u adeegidda muwaadiniinta iyo dhammaan dadka ku nool dalka, isagoo ku dadaalaya in la helo adeeg garsoor oo ku dhisan hufnaan, madaxbannaani, dhexdhexaadnimo, eex-la'aan, daacadnimo, karti iyo aqoon sharciyeed.

FAAHFAAHINTA JAGOOYINKA

Jagada:

Garsoorayaal iyo Xeer-ilaaliyaal

Goobta shaqada:

Maxkamadaha Darajooyinka Koowaad, Labaad iyo Saddexaad

Tirada jagooyinka bannaan:

48 jago

Taariikhda kama dambaysta ah:

20/10/2026

 

Skills and qualifications

SHURUUDAHA JAGO KASTA

Musharraxu waa inuu buuxiyo shuruudaha jagada uu codsanayo, sida hoos ku qeexan:

QAYBTA KOOWAAD | GARSOORAHA MAXKAMADDA SARE (4 Garsoore)

Jagadani waa heerka ugu sarreeya ee maxkamadaha, waxaana musharraxa laga rabaa inuu leeyahay aqoon sharciyeed iyo waayo-aragnimo sare.

·         Noqdo muwaadin Soomaaliyeed, kana soo jeedo deegaannada Koonfur Galbeed.

·         Da'diisu aanay ka rayayn 35 sano jir.

·         Ka haysto jaamacad la aqoonsan yahay, oo ugu yaraan ah shahaadada LL.B ama shahaadada Master-ka (LLM).

·         Leeyahay aqoon qoto dheer oo ku saabsan Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

·         Leeyahay ugu yaraan 6 sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan sharciga, garsoorka, xeer-ilaalinta, qareennimada ama shaqo sharciyeed oo la aqoonsan yahay.

·         Leeyahay waayo-aragnimo muuqata oo ku saabsan maaraynta dacwadaha adag, falanqaynta sharciga iyo diyaarinta go'aannada xasaasiga ah.

·         Awood u leeyahay qorista go'aanno xukunsiyeed oo tayo sare leh.

·         Leeyahay aqoon wanaagsan oo Af-Soomaali, Af-Carabi iyo Af-Ingiriisi ah.

·         Awood u leeyahay adeegsiga kombiyuutarka iyo nidaamyada casriga ah ee maamulka garsoorka.

QAYBTA LABAAD | GARSOORAHA MAXKAMADDA RACFAANKA (9 Garsoore)

Maxkamadaha Racfaanka ee Gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

·         Noqdo muwaadin Soomaaliyeed, kana soo jeedo deegaannada Koonfur Galbeed.

·         Da'diisu aanay ka rayayn 30 sano jir.

·         Ka haysto LL.B ama shahaado sharci oo u dhiganta.

·         Leeyahay aqoon wanaagsan oo ku saabsan Shareecada, Dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

·         Leeyahay ugu yaraan 3 sano oo waayo-aragnimo shaqo oo ku saabsan sharciga, garsoorka, xeer-ilaalinta ama qareennimada.

·         Leeyahay khibrad ku filan oo ku saabsan racfaannada, dib-u-eegista xukunmada, qiimeynta caddaymaha iyo fasiraadda sharciga.

·         Leeyahay xirfad diyaarinta go'aannada iyo qoraallada sharciyeed.

·         Leeyahay aqoon wanaagsan oo Af-Soomaali, Af-Carabi iyo Af-Ingiriisi ah.

QAYBTA SADDEXAAD | GARSOORAHA MAXKAMADDA GOBOLKA (9 Garsoore)

Maxkamadaha Gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

·         Noqdo muwaadin Soomaaliyeed, kana soo jeedo deegaannada Koonfur Galbeed.

·         Da'diisu aanay ka rayayn 25 sano jir.

·         Ka haysto jaamacad la aqoonsan yahay, oo ugu yaraan ah LL.B ama shahaado sharci oo u dhiganta.

·         Leeyahay aqoon wanaagsan oo ku saabsan Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo qawaaniinta dalka, gaar ahaan xeerarka madaniga iyo ciqaabta.

·         Leeyahay ugu yaraan 2 sano oo waayo-aragnimo shaqo oo la xiriirta sharciga, garsoorka, xeer-ilaalinta, qareennimada ama shaqo sharciyeed oo la aqoonsan yahay.

·         Leeyahay xirfad wanaagsan oo ku saabsan xallinta khilaafaadka iyo maaraynta dacwadaha.

·         Leeyahay anshax iyo sumcad wanaagsan.

·         Leeyahay aqoon wanaagsan oo ku saabsan adeegsiga kombiyuutarka.

·         Awood u leeyahay qorista iyo ku hadalka Af-Soomaaliga, Af-Carabiga iyo Af-Ingiriisiga.

QAYBTA AFRAAD | GARSOORAHA MAXKAMADDA DEGMADA (22 Garsoore)

Waxaa loo qoondayey 11 degmo: Baydhabo, Diinsoor, Berdaale, Buurhakaba; Xudur, Ceel-Barde, Waajid; Baraawe, Marka, Wanlaweyn iyo Afgooye.

·         Noqdo muwaadin Soomaaliyeed, kana soo jeedo deegaannada Koonfur Galbeed.

·         Da'diisu aanay ka rayayn 25 sano jir.

·         Ka haysto ugu yaraan LL.B ama shahaado sharci oo u dhiganta.

·         Leeyahay aqoon ku filan oo ku saabsan Shareecada, Dastuurka iyo xeerarka madaniga iyo ciqaabta.

·         Leeyahay ugu yaraan 2 sano oo waayo-aragnimo sharciyeed.

·         Leeyahay awood uu ku maareeyo dacwadaha, dhegaysiga dhinacyada iyo qiimeynta caddaymaha.

·         Leeyahay anshax iyo sumcad wanaagsan.

·         Leeyahay aqoon kombiyuutar.

·         Awood u leeyahay Af-Soomaali, Af-Carabi iyo Af-Ingiriisi.

·         U diiarsan yahay inuu ka shaqeeyo degmada loo qoondeeyo, iyadoo lagu salaynayo baahida adeegga garsoorka.

QAYBTA SHANAAD | XEER-ILAALINTA (4 Ku-xigeenno)

Ku-xigeenno Xeer-ilaaliyaha Guud, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud.

·         Noqdo muwaadin Soomaaliyeed, kana soo jeedo deegaannada Koonfur Galbeed.

·         Da'diisu aanay ka rayayn 25 sano jir.

·         Ka haysto jaamacad la aqoonsan yahay, oo ugu yaraan ah LL.B ama shahaado sharci oo u dhiganta.

·         Leeyahay aqoon wanaagsan oo ku saabsan Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo qawaaniinta dalka, gaar ahaan Xeerka Ciqaabta iyo Habka Ciqaabta.

·         Leeyahay ugu yaraan 2 sano oo waayo-aragnimo shaqo oo la xiriirta xeer-ilaalinta, garsoorka, qareennimada ama shaqo sharciyeed oo la aqoonsan yahay.

·         Leeyahay awood baaris iyo falanqayn dambiyeed, iyo diyaarinta eedeymaha iyo dokumentiyada dacwadaha.

·         Leeyahay xirfad wanaagsan oo ku saabsan soo bandhigidda kiisaska, qiimeynta caddaymaha iyo shaqaynta hay'adaha baarista.

·         Leeyahay anshax, daacadnimo, sir-ilaalin iyo sumcad wanaagsan.

·         Leeyahay aqoon wanaagsan oo ku saabsan adeegsiga kombiyuutarka.

·         Awood u leeyahay qorista iyo ku hadalka Af-Soomaaliga, Af-Carabiga iyo Af-Ingiriisiga.

Attachments

How to apply

HABKA GUDBINTA CODSIGA

Qof kasta oo danaynaya jagooyinkan waxaa laga codsanayaa inuu soo gudbiyo dokumentiyada soo socda:

·         Taariikh Nololeedka (CV);

·         Codsi shaqo oo caddeynaya jagada uu musharraxu u tartamayo;

·         Nuqullada shahaadooyinka jaamacadeed iyo dokumentiyada kale ee khuseeya;

·         Aqoonsi shaqsi (ID) – NIRA ama baasaboor;

·         Dokumenti kasta oo kale oo lagu caddeynayo aqoonta iyo waayo-aragnimada musharraxa.

Fadlan ku cadey jagada aad rabto ama aad codsaneyso cinwaanka (Subject) warqada codsiga.

E-mail-ka codsiga:

[email protected]

Nuqul (CC):

[email protected]

Taariikhda kama dambaysta ah:

20/10/2026

 

FIIRO GAAR AH: Codsi aan buuxin shuruudaha kor ku xusan, ama aan lagu soo gudbin muddada loo cayimay, lama tixgelin doono.

Similar Jobs

The South-West State of Somalia (Somali: Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Maay Maay: Koofur Orsi), is a Federal Member State in southwestern Somalia. It was founded by Hasan Muhammad Nur Shatigadud, leader of the Somalia RRA on 1 April 2002. It was the third autonomous region to be established.

See company details