Details
Posted Date
Jul, 22
Expire Date
Jul, 31
Location
Algeria
Category
Scholarship
Description
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare
Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hiddaha iyo Tacliinta Sare
Federal Republic of Somalia
Ministry of Education, Culture & Higher Education
Director General for Culture and Higher Education
Tix: WWHTS/TS/0079/2025
Taariikh: 21/07/2025
Ku: Ardayda Soomaaliyeed
Ujeeddo: Faafin Deeq Waxbarasho – Sannad Jaamacadeedka 2025/2026
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo gudanaysa waajibkeeda ku aaddan bixinta adeegyada waxbarashada heerarkeeda kala duwan, waxa ay si rasmi ah u faafinaysaa deeq waxbarasho oo ah heerka koowaad ee jaamacadda (bachelor's degree). Deeqdan waxbarasho oo laga helay Dowladda Aljeeriya ayaa bilaabanaysa sannad jaamacadeedka 2025/2026.
Haddaba, waxa lagu wargelinayaa dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee daneynaysa fursaddan, islamarkaana buuxin karta shuruudaha hoos ku xusan, in ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan mareegtan hoose:
Lingax: https://scholarship.moe.gov.so/auth/signin
Waqtiga la gudbinayo codsiyada: 21ka ilaa 31ka Luuliyo 2025.
SHURUUDAHA DEEQDA WAXBARASHO:
- In uu ardaygu haysto shahaado dugsi sare ah, oo ay wasaaraddu aqoonsantahay.
- In uu haysto baasaboar shaqeynayo ugu yaraan 2 sano.
- In uu haysto warqadda dhalashada iyo sugnanta.
- In uu haysto warqadda caddeynta caafimaadka.
- In uu haysto warqadda denbi la’aanta (CID).
- Ardaygii doonayo Injineerin ama Caafimaad waa in aysan darajadiisu ka yaraan 80%.
- Ardaygii doonayo Beeraha, Xannaanada Xoolaha ama Cilmiga Badda waa in aysan ka yaraan darajadiisu 70%.
- In uu keeno dammiin lagala xisaabtamo haddii uu waxbarashada dhammaysan waayo.