Tender description
Xafiiska Qandaraasyada D/hoose Bosaaso
Procurement Officer Bosaso
Ref:-DHB/XQ/13/2021 Tariikh-08/10/2022
BAAHIN
Degmada Bosaaso waxa uu Baahinayaa Mashruuc Biyo iyoWaxbarsahadda sida hoos ku cad, Degmadda Bosaaso oo ka helaysa Mashruuca bahwadaagta ay ku yahiin DPL, D/hoose Degmada Bosaaso iyo Hay’addaha ku midoobay Magaca JPLG/SDM , Mashruucaas oo laga fullinayo Degmada Bosaaso.
- Qaybta Biyaha - Water Sector
- Dayactir Tuuboojinka iyo Haanta Biyaha Tuuladda Tasjiic – Bosaaso (Water tank Rehabilitation and Pipeline at Tasjiic Village- Bosaaso.
- Qaybta Waxbarashada – Education Sector (Primary Schools)
- Ballaarin Iskoolka Grible - Bosaaso – (Extension Grible primary School in Bosaso city)
- Dayactir iyo Ballaarin Iskoolka Laag - Bosaaso ( Rehabilitation and Extension Laag Primary School at Laag Village)
Sidaas darteed, waxaa dhammaan lagu wargelinayaa Shirkadaha maxalliga iyo kuwa Caalamiga ahba ee wax dhisa ee ka hawlgala Deegaanka Puntland iyo Soomaaliyaba in ay u soo tartamaan Mashriicda SDM 2022 ee kor ku xusan.
Buugga ka qaybgalka Qandaraaska oo dhammeystiran waxaa laga heli karaa Xafiiska Qandaarasyada ee Degmada Bosaaso .
Tartamuhu waxa uu bixinayaa lacag dhan $20 oo ah qiimaha uu Buugga qandaraaska ku iibsanayo, Waxaana la siinayaa risiit rasmi ah oo caddaynaya in uu lacagtaas bixiyey.
Tartamuhu waa in uu Buugga uu ku tartamayo (bid) uu ku soo lifaaqaa nuqul ka mid ah risiitka lacagtii uu bixiyay ee $20ka dollar ahayd
Attachments
How to apply
Qaadashada Buuggaagta Tartamayaasha waxay bilaabanaysaa Taariikhdu markay tahay (08/10/2022), Saacaduna tahay 9:00 Am,waxayna xirmayaa Taariikhdu markay tahay 22/10/2022 saacaduna tahay 11:00ka Am( Duhurmino), isla waqtigaas waxaa Dhacaya furitaanka Dokumentiyada tartamayaasha ( Bid Opening) .
Tartame kasta waa in u soo gudbiyaa Xafiiska Qandaraasyada ee D/hoose Bosasao 3copy oo ka mid ah Buugga Qandaraaska uu kaga qaybgalaayo .
Xafiiska Qandaraasyada ee D/hoose waxaa uu ku yaal Xarunta weyn ee D/hoose Bosaaso .
Qandaraaska waxaa la furayaa iyadoo ay goobjoog yihiin tartamayaasha ama wakiilladooda.
Tartamayaasha u baahda xog dheeraad ah waxa ay la xiriiri karaan Xafiiska Qandaraasyada ee Degmada Bosaaso ,Tell:-0907798412/Email. [email protected] oR [email protected] or Bosasocitycouncil.com
Waxyaabaha loo baahan yahay in lagu soo lifaaqo Dukumintiga Qandaraas qaataha waa sida hoos ku qoran ;-
FG:- waxaa la ogaysiinayaa cidkasta oo danaynaysa in ay ka qaybgasho Qandaraaska in maalinta Arbacada taariikhduna ku aadan tahay 12 bisha Octoobar /2022 lagu qabandoono tababar Xafiis Qandarasyada si looga caawiyo Qandaraas qaatayaasha Qaabka ay buugta ( Bid) ama Dalab qandaraaska ay u soo buuxin lahaayeen .
Prepared by procurement Officer
Ahmed Mohamed Da'ar
Date:-08/ Octobar/2022
..................................................
NAGUSOO BIIR --- SOMALI JOBS
Telegram: https://t.me/somalijobsinc
Linkedin: https://www.linkedin.com/company/somali-jobs/
Facebook: https://www.facebook.com/somalijobs
Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somalijobs
Twitter: https://twitter.com/somalijobs
Instagram: https://www.instagram.com/somalijobs/
Application: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
.................................................