Tender details
Posted Date
May, 14
Expire Date
May, 23
Location
Mogadishu
Tender description
Federal Republic of Somalia Benadir Regional Administration Mogadishu Local Government
ﺔﯿﻟارﺬﻔﻟا لﺎــﻣﻮــﺼﻟا ﺔـﯾرﻮـﮭـﻤـﺟ
ردﺎﻨﺑ ﺔﻈﻓﺎﺤﻣةرادا
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR
DAWLADDA HOOSE EE MUQDISHO
14/05/2023
BAAHIN QANDARAAS DHISMO
Iyadoo laga duulayo dib u dhiska caasimadda Muqdisho si loo xaqiijiyo Magaalo dhisan, cagaaran kuna haboon nolasha muwaadiniinta, Waxa uu Maamulka G/Banaadir dib u dhis iyo cagaarin ku samanayaa Darjiinka Dadweyne ee ARBACA-RUKUN kaas oo ku yaala Degmada Xamar-weyne.
Hadaba, Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu naadinayaa shirkado qandaraaslayaal ah oo ku haboon in ay fuliyaan mashruuca dhismaha Darjiinka Dad-weyne ee sare ku xusan.
Documentiga qandaraaska waxa laga helayaa Xafiiska Waaxda Iibka Maamulka G/Banaadir
- ku yaala xarunta Dhexe ee Mamaulka laga billaabo taariikhda: 17/05/2023 kuna eg qaadashadiisa 22/05/2023.
Qandaraaska dokumintigiisa waa in loo soo diyaariyaa iyadoo la raacayo tilmaamaha la siiyey qandaraaslayaasha iyo qoraallada kale ee qoraalkan ku xusan.
Qandaraaska waa in lagu soo gudbiyaa laba nuqul, (Asal iyo Koobi) waana in lagu soo hagaajiyaa: XAFIISKA IIBKA, wixii faahfaahin dheerada fadlan kala xiriir.
Email: [email protected] adigoo ogeeysiin siinaya [email protected]
Dokumiintiga gaqandaraaska waxa la soo xaraynayaa Kahor wakhtiga; 12:00am duhurnimo, taariikhda; 22/05/2023.
Qandaraaslayaasha waxa loogu yeeri doonaa inay yimaadaan shir qandaraas, 3 cisho ka dib
maalinta qandaraaska la naadiyo, si loogu sharxo wixii faahfaahin ah ee ay uga baahan yihiin qoraalka qandaraaska haday jiraan.
Fiiro-gaar ah, Qandaraasle kasta oo u tartamaya qanadraaskaan waa in uu booqdaa goobta shaqada si sharaxaad dheerada looga siiyo shaqada dayactirka waxa ayna D/Hooose ee Muqdisho u sahali doontaa tartamaha in uu soo arko goobta.
Mahadsanidiin
How to apply
wixii faahfaahin dheerada fadlan kala xiriir.
Email: [email protected] adigoo ogeeysiin siinaya [email protected]