Sidee Ayaa La Iskugu-Dheelitiri Karaa Hal-Abuurka Iyo Bedbaadada Dhijitaalka (digital Safety)?

Jun 24, 2025 by somalijobs inc

Sidee Ayaa La Iskugu-Dheelitiri Karaa Hal-Abuurka Iyo Bedbaadada Dhijitaalka (digital Safety)?

Dunida maanta, hal-abuurka teknoolajiyada ayaa si degdeg ah u kobcaya, waxaana si joogto ah loo soo saaraya adeegyo iyo aalado cusub oo lagu horumarinayo nolosha, ganacsiga, iyo adeegyada dadweynaha. Hal-abuurkani wuxuu keenay horumar aan la qiyaasi karin – balse sidoo kale wuxu uu fure u noqday khataro cusub oo dhinaca bedbaadada dhijitaalka ah. Sidaas darteed, su’aasha muhiimka ahi waxay tahay: Sidee ayaa la iskugu-dheelitiri karaa hal-abuurka iyo bedbaadada dhijitaalka (digital safety)?

Bedbaadada dhijitaalku waa isku-darka tallaabooyin, nidaamyo, iyo ilbaxnimo la adeegsanayo si loo ilaaliyo xogta, nidaamyada, iyo dadka isticmaala tiknoolajiyadda. Waxay ka hortagtaa waxyeello ka timaadda weerarro cyber ah, xog-xaadis, xadgudubyo xogeed, iyo khiyaamooyin online ah.

Faa’iidooyinka hal-abuurka dhijitaalka

  1. Fududeynta adeegyada – Hal-abuurka sida AI, blockchain, iyo cloud computing wuxuu fududeeyay adeegyo bangiyeed, caafimaad, waxbarasho iyo ganacsi.
  2. Kobcinta dhaqaalaha – Teknoolajiyaddu waxay abuurtay shaqooyin cusub, suuqyo cusub, iyo fursado horumarineed oo gaar loo leeyahay iyo mid dowladeedba.
  3. Horumarinta nolol maalmeedka – Tiknoolajiyada casriga ahi waxay kor u qaaday tayada nolosha, iyadoo dadka siineysa xalal degdeg ah.

Khataraha la socdo

Laakin hal-abuurkaasi waxa garab socda khataro ay ka mid yihiin:

  • Xog xatooyo iyo burburin nidaam – Hackers-ku waxay bartilmaameedsadaan nidaamyada iyo dadka aan si fiican u ilaashan xogtooda, ciwaannadooda iyo nidaamyadooda shaqo.
  • Faafinta warar been ah (disinformation) – Tiknoolajiyadda ayaa si sahlan u sahlaysa faafinta wararka aan la hubin, taas oo dhaawacda kalsoonida bulshada, aaminnaadda iyo wadashaqeynta.
  • Ku xadgudubka asturnaanta dadka – Qaar ka mid ah habka iyo adeegyada online-ka ah waxay ururiyaan xog shakhsiyeed iyagoo aan ogolaansho rasmi ah heysan, waxa wax laga bedelaa iyadoon ogolaansho rasmi ah aan haysan iyo adeegsiga sawirada iyo muuqaalada dadka hab aan munaasib ahayn ama raacinta qoraalo marin habaabin iyo Sharaf dilis ah.

Sidee loo sameyn karaa dheelitirka hal-abuurka iyo bedqabka?

1. Hal-abuur mas’uul ah (Responsible Innovation)

  • Shirkaddaha iyo hal-abuureyaasha waa in ay ka horreysiiyaan ilaalinta xogta, hantida iyo sharafta dadka marka ay samaynayaan adeegyo cusub.

2. Wacyigelin iyo tababar joogto ah

  • Dadweynaha, gaar ahaan dhalinyaradda, waa in la baraa khataraha internetka iyo sida ay isku difaaci karaan. Hababka ay uga hortagi karaan in lala wareego akoonnadooda iyo barahooda bulshada sida u sameynta sugid (password) adag iyo xeeladda laba jeer hubinta ogolaanshaha gelitaanka akoonnadooda (Authentication)

 

3. Sharciyeyn iyo maamul Wanaag

  • Dowladduhu waa in ay soo saaraan sharciyo dhigaya heerar bedbaado dhijitaal ah oo waafaqsan horumarka, ilaalinayana dadka nugul.

4. Iskaashi Saddex-geesood ah

  • Wada-shaqeyn waa in ay ka dhaxaysaa dowladdaha, shirkaddaha gaarka loo leeyahay, iyo hay’addaha bulshada si loo helo nidaam badbaado leh oo hal-abuurka taageeraya.

Isu-dheelitirka bedbaadada dhijitaalka iyo hal-abuurka tiknoolajiyada ma ahan arrin la dooran karo midna, balse waa lama huraan in labadaba la ilaaliyo. Horumar aan xuduud lahayn oo aan ilaalin bedbaado lahayni wuxuu noqon karaa masiibo; isla jeerkaasna haddii si xad-dhaaf ah loosoo saaro xeerar bedbaado waxay curyaamin kartaa horumarka. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in laga shaqeeyo iskaashi dheelitiran, halkaas oo hal-abuurka loo oggol yahay inuu horumaro, balse si masuuliyad leh oo bedbaado leh.

Guuleyso!  

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]

Tixgelin.

--------------------------------------------------

**Lasoo deg APPka ** Somalijobs (Download Somalijobs APP)

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164