Barashada Naftaada!

Barashada naftaada!

Waxaa jira safar ka qaalisan safar kasta oo kale, safarka ugu muhiimsan ee nolosha waa is-barashada (self-discovery). Qofka barta naftiisa waxa uu awoodo inuu go’aan sax ah gaadho, ku noolaado qiyamka uu aaminsan yahay, isla markaana noloshiisa si hufan u maamulo. Qoraalkan kooban waxaynu ku eegi doonnaa 15 arrimood oo muhiim u barashada naftaada, si aad u noqoto qof sameysta nolol qancisa oo leh jihayn cad. Sooqaado buug iyo qallin dabeeto naftaada la sheekayso oo waydii su’aalahan iyo kuwo kale oo noloshaada khuseeya: 

1. Ogow waxa ku farxad galiya

Ma dadka caawintooda ayaad ku faraxdaa? Ma salaadda? Xuska Ilaahay, safarrada, cunto karinta, asxaabta ama hurdo fiican? Fahamka waxa ku farxad galiya waxa uu kaa caawinayaa inaad noloshaada ku dhisto waxyaabo waafaqsan doonistaada.

2. Maxaa kumurugo galiya

Mar haddii aad garato waxa kugu murugo galiya, waxaad awoodi kartaa inaad iska ilaaliso xaaladahaas ama aad xal u hesho si degdeg ah.

3. Ogow qiyamkaaga asaasiga ah

Qiyamku waa tiirarka shakhsiyaddaada. Waxay qeexaan waxa aad aaminsan tahay, waxa aad u taagantahay, iyo sida aad dunida u aragto. Kaalinta aad nolosha ku leedahay, waxtarkaaga iyo halka aad bulshada u buuxinayso. Haddii aad astaan u noqon lahayd bulshada, maxaa lagaag dayan lahaa?....

4. Faham sida jidhkaagu uga jawaabo walbahaarka

Walbahaarku ma kugu keenaa hurdo, caajis, ama wahsi badan? Markaad taqaanid jawaabta jidhkaaga, waxaad samayn kartaa xalal caqli-gal ah oo aad ku maarayso. Ka shaqee xidhiidhka Ilaahay iyo adiga idinka dhexeeya si aanu kuuguba dhicn isku buuq, werwer iyo walbahaar. Waayo? Ilaahay SWT wuxuu ballanqaaday addoomihiisu haddii ay baryaan inuu ka ajiibayo. Ducayso oo Ilaahay ka magangal werwerka, walbahaarka, daynta iyo caajiska. Haddii aad xaga Ilaahay ka jeedsato ogow noloshaadu waa cakirnaanaysaa sababtuna waa in Ilaahay SWT ballan qaaday kuwa xuska Ilaahay ka jeedsada in nolosha lagu cidhiidhin doono.  

5. Garo yoolalkaaga

Halkee ayaad rabtaa inaad naftaada ku eegto shan sano kadib? Maxaad u kaydisaa 30% dakhligaaga? Intee inleeg ayaad maalinkasta talaabo u qaada si aad hadafka wayn ee janno ah aad u gasho? Ficilladaadoo dhami ma yihiin kuwo janno u adeegaya? Kawaran intee in leeg ayaad ka fikirtaa, tamar ku bixisaa oo aad ku dedaashaa sidii aad u gaadhi lahayd raali ahaanshaha Ilaahay? Yoolalka cad waxay kugu hagi karaan nolol qorshaysan maadama oo aynaan garanayn wakhtiga cimrigeenu ku eegyahay. Fursaddu waa maanta.

6. Ogow waxa kugu dhiirrigeliya

Maxaad subax walba u soo kacdaa? Maxaad doonaysaa inaad xaqiijiso? Maxaa ku dhaqaajiya? Fahamkani waa xoogga kugu hogaaminaya horumar iyo raadinta guulahaaga.

7. Lasoco xaaladdahaaga caafimaad

Caafimaadkaaga iyo taariikhda caafimaad ee qoyska waa inaad si dhow ula socotaa. Tani waxay kuu saamaxaysaa inaad ka hortagto yareyso dhibaatooyin caafimaad ee aad hiddaha u leedihiin iyo kahortaggooda.

8. Ogow deegaanka aad wax ku soosaar badan tahay

Dadku waxay ku kala duwan yihiin meelaha ay wax ku soo saari karaan – qaar waxay ku fiican yihiin jawi xasilloon, qaarna jawi firfircoon. Ogow deegaanka ku taageera si wax-soosaarkaagu saro ugu kaco. Jawiga, wakhtiga iyo goobaha aad ugu waxsoosaarka fiicantahay.

9. Ogow tamartaada

Weydii dadka kugu dhow waxa ay kugu tilmaamaan inaad ku fiican tahay. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad si fiican u isticmaasho xooggaaga iyo tamartaada.

10. Baro tabar-darridaada ama waxaad ku liidato

Qof walba tabar-darro ama wax uu ku liito ayuu leeyahay. Baro, aqbal, oo ka shaqee sidii aad naftaada u horumarin lahayd.

11. Ogow cidda aad rabto inaad nolosha la qaadato

Noloshu waa safar wadajir. Waxaad u baahan tahay saaxiibo, lammaane, iyo asxaab shaqo oo yoolalkaaga la jaanqaada. U dooro si taxaddar leh. 

12. Ogow nooca shakhsiyaddaada

Dadku si kala duwan ayay wax uga falceliyaan sababtoo ah shakhsiyadooda ayaa ku kala duwan. Barashada noocaaga shakhsiyadeed waxay kaa caawinaysaa inaad si fiican ula macaamisho dadka kale.

13. Baro saaxiibadaa

Qiimee cidda kula siman yoolal iyo qiyam ahaanba. Ka agdhowow dadka ku dhiirrigeliya, iskana fogee kuwa ku caqabadeynaya.

14. Garo oo baro hageyaasha noloshaada (role models)

Qofka aad tusaale ka dhigato wuxuu ku barayaa jidka guusha. Ogaanshahooda wuxuu kuu keeni karaa dhiirrigelin iyo hagis toolmoon.

15. Dejiso yool maaliyadeed

Horumarka nolosha waxaa sal u ah qorshe maaliyadeed oo cad. Samee yool sanadle ah, oo u jejebi qayb qayb si aad ula socoto dhaqaalahaaga. Kobci oo abuuro ilo dakhli oo kale. 

Qofka og waxa uu jecel yahay, waxa uu neceb yahay, waxa uu aaminsan yahay, waxa farxad geliya, ee murugo geliya iyo cidda uu la joogayo, waa qof leh nolol qeexan. Haddii aad rabto inaad noqoto qof ka wanaagsan intii aad shalay ahayd, bilow inaad naftaada si dhab ah u barato. Is-barashadu waa fure lagu furayo guul, farxad, iyo nolol dhisan.

Guuleyso!  

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]

Tixgelin.

--------------------------------------------------

**Lasoo deg APPka ** Somalijobs(Download Somalijobs APP)

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164

Attachments