Oct 12, 2026 by
Hal-abuurku wuxuu ka muuqdaa siyaabaha aynu wax u baranno, macaamiisha aynu u adeegno, shaqooyinka u fududayno iyo habab aynu ku xallin karno baahiyohooda. Qofka hal-abuurka leh wuxuu arkaa fursado ku dhex jira waxyaabaha dadka kale caadiga u arkaan.
Fikrad cusub qiimaheedu wuxuu kordhaa marka ay daboolayso baahi dhab ah. Sidaas darteed, kobcinta hal-abuurku waxay u baahan tahay su’aalo wanaagsan, fikrado kala duwan, tijaabo iyo dulqaad.
Waxaynu wadaagi doonnaa shan hab oo aasaas u noqon kara koboca hal-abuurka.
1. Su’aasha beddel si aad u aragto xal cusub
Su’aasha aad isweydiiso ayaa jihaysa fikirkaaga. Haddii su’aashu cidhiidhi tahay, xalalka aad aragtaa way koobnaan karaan.
John Dewey, oo ahaa faylasuuf iyo aqoonyahan waxbarasho, wuxuu buuggiisa How We Think ku yidhi:
“Su’aal si wanaagsan loo dhigay, badhkeed ayaa laga heli karaa xalka.”
Tusaale 1, Xarun tababar ayaa aragta in ardaydu ka maqnaadaan casharrada. Maamuluhu wuxuu marka hore isweydiiyaa: “Sideen ardayda ugu adkayn karnaa xaadiriska?”
Macallin ayaa waydiinta beddelay: “Maxaa ardayda ka hor istaagaya inay yimaadaan?”
Wadahadal lala yeesho ardayda ayaa muujinaya in qaar shaqeeyaan maalintii, qaarna gaadiidka ku adkaado ama masaafadu ku fogaato. Xaruntu waxay tijaabisay wakhtiyo kale in casharrada fiidkii laqaadan karo iyo duubis kooban oo dib loo daawan karo. Waxay markaa dib u cabbirayaan in xaadiriska iyo dhammaystirka koorsadu hagaagaaneen iyo inkale.
Waxa aynu ka baran karnaa: Hal-abuurku wuxuu mararka qaarkood ka bilaabmaa beddelidda habka wax-iswaydiinta. Ka hor inta aanad xal raadin, dhibaatada ka eeg dhinaca qofka ay saameynayso.
Tallaabo aad qaadi karto: Dhibaatadaada u qor saddex su’aalood oo kala duwan. Mid kasta eeg xalalka ay kuu furayso.
2. Fikrado badan soo saar ka hor inta aanad xukumin
Marka fikrad kasta isla markiiba la dhaliilo, dadku waxay bilaabaan inay qariyaan talooyinkooda. Kala saar waqtiga fikraddaha la curinayo iyo waqtiga la qiimaynayo.
Henri Poincaré, oo ahaa xisaabyahan, wuxuu Science and Method ku sharxay in curintu ku jirto kala saaridda isku-darrada fikradaha iyo doorashada kuwa waxtarka leh. Haddii aynu soo koobno fikirkiisa waa inaanu isku-dar cusub keliyi ku filnayn marka curinta lajoogo; balse waa in la eego inuu wax tar leeyahay.
Tusaale 2, Koox suuqgeyn ayaa doonaysa inay xayeysiiso tababar cusub. Qofkii ugu horreeyay wuxuu soo jeediyaa boodh in la dhejiyo, kooxdii kale ee la shaqeynaysayna way ku raaceen.
Hoggaamiyihii wuxuu kooxda siiyaa 15 daqiiqo oo lagu soo saaro ugu yaraan 15 fikradood, iyadoo aan weli la kala saarin. Waxaa soo baxa casharo muunad ah, muuqaalo muujinaya xirfad la baranayo, su’aalo iyo jawaabo toos ah, iyo sheeko arday hore.
Kaddib ayay fikradaha ku qiimeeyaan kharashka, fudaydka fulinta iyo awoodda ay dadka ugu sharaxayaan faa’idada tababarka. Waxay doortaan saddex fikradood in la tijaabiyo.
Fikradda koowaad waxay noqon kartaa bilow wanaagsan, laakiin doorashooyin badan ayaa kuu oggolaanaya isbarbardhig iyo isku-dar ka fiican. Fikirka xorta ah iyo qiimaynta adag mid kasta waqtigiisa sii.
Hal arrin u qor toban fikradood. Markaad dhammayso kaddib dooro labada ugu mudan tijaabada.
3. Isku xidh waxyaabo ka kala yimid meelo kala duwan
Hal-abuurku wuxuu ka dhex dhalan karaa aqoon aad meel ka baratay oo aad xaalad kale ku dabaqdo. Wax akhriska, dadka lala hadlo iyo indha-indhayntu waxay ku siinayaan waxyaabo aad isku xidhi karto.
Ibn Khalduun wuxuu Muqaddimah ku sharxay in farsamooyinku si tartiib ah u horumaraan, iyadoo wax cusub midba midka kale laga ogaado. Xirfaddaha iyo farsamooyinku hal mar kuma wada dhammaystirmaan; horumarkoodu waqti ayuu qaataa.
Tusaale 3, Macallin ayaa doonaya inuu ardayda baro sida tartamayaal shaqo loo qiimeeyo. Wuxuu isku daray casharka maamulka shaqaalaha iyo doorarka hawleed ee qofkastaa qabanayo.
Ardayda qaar waxay noqdaan guddiga shaqaalaysiinta, qaar musharraxiin, qaarna kormeerayaal. Guddigu wuxuu diyaariyeen su’aalo iyo shuruudo qiimayn ah. Wareysiga kaddib, kormeerayaashu waxay tilmaamayaan su’aalihii waxtarka lahaa iyo meelihii eexdu ka soo muuqatay.
Casharku wuxuu isu beddelaa waayo-aragnimo ay ardaydu ku shaqaynayaan aqoonta ay barteen.
Wax cusub ayaa ka dhalan kara isku xidhka laba hab oo aad hore u taqaanay. Xeelado, sheekooyin ama farsamo ganacsi ayaa xal u noqon kara caqabad waxbarasho.
Isweydii: “Xeeladehee ayaa shaqooyinkaygii hore ii shaqeeyey oo aan ku tijaabin karaa caqabadaha hawshan aan hadda hayo?”
4. Fikradda tijaabi si aad u ogaato waxa shaqaynaya
Fikrad marka ay maskaxda ku jirto qurux badanbaa waxay yeelan kartaa caqabado marka la fuliyo. Tijaabo yar ayaa kuu muujin karta waxa hagaajin u baahan ka hor intaadan wakhti iyo kharash badangelin.
Ibn al-Haytham, oo ahaa aqoonyahan Muslim ah, wuxuu yidhi run-doonku waa inuu hubiyaa xogta, sidoo kalena iska ilaaliyaa eexda fikirkiisa.
Samee nooca ugu fudud ee fikraddaada, una bandhig dadka ay khusayso. Weydii: “Maxaa kuu shaqeeyay, maxaase kugu adkaaday?”
5. Ku celceli, dabadeed maskaxda sii fursad ay ku nasato
Sugidda dhiirrigelin kedis ah waxay kaa dhigi kartaa qof marar dhif ah wax curiya. Samee jadwal aad ku shaqayso, laakiin marka aad ku xannibanto ee aad xal waydo, hawsha muddo kooban dhulka dhig oo hawl kabaxsan u jeedso sida akhris, jimicsi iyo wakhti laqaadashada cid aad xiiseyso la joogiddooda.
Graham Wallas wuxuu The Art of Thought ku tilmaamay afar marxaladood: diyaarinta, hakinta fikirka tooska ah, soo bixidda fikradda iyo hubinteeda. hal-abuurku wuxuu yeelan karaa shaqo xooggan iyo waqti arrinta laga yara jeedsado markay furfurmi waydo.
Tusaale, Qoraa ayaa diyaarinaya fariin dhiirrigelin ah oo loogu talagalay dhalinyarada shaqo raadiska ah. Saacad ayuu ku celceliyaa weedho guud oo aanu ku qanacsanayn.
Wuxuu qoraa waxa uu doonayo inay fariintu noqoto, dabadeed socod gaaban ayuu u baxaa. Markuu soo noqdo, wuxuu ka bilaabaa su’aal uu dhalinyaro badan ka maqlay: “Shaqo ayaan rabaa, laakiin xaggee ayaan ka bilaabaa?”
Wuxuu fariinta ku dhisaa saddex tallaabo oo la qaban karo: CV hagaaji, fursado ku habboon raadi, hal xirfadna joogtee barashadeeda. Kaddib ayuu qoraalka dib u akhriyaa oo hagaajiyaa.
Nasashadu waxay qayb ka noqon kartaa habka shaqada. Fikradda soo baxdana weli waxay u baahan tahay hubin iyo hagaajin. Maalin kasta u qoondee 20 daqiiqo curinta fikraddaha. Qor wixii kuu soo baxa; haddii aad ku xannibanto, hakad gaaban samee, dabadeed ku soo noqo.
Hal-abuurkaaga waxaad kobcin kartaa adigoo toddobaadkan dooranaya hal dhibaato: habka waydiinteeda beddel, xalal badan qor, laba hab isku xidh, hal fikrad tijaabi, dabadeed qor waxa aad ka baratay. Sidaas ayuu hal-abuurku ugu noqdaa xirfad aad si joogto ah u adeegsan karto.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs(Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164