Tobanka Danbe Ee Ramadaan: Fursad Dahabi Ah

Mar 09, 2026 by somalijobs inc

Tobanka Danbe Ee Ramadaan: Fursad Dahabi Ah

10-ka Danbe ee Ramadaan: Fursad Dahabi ah.

Ramadaan waa bil ka duwan bilaha kale. Waa bil qalbiga la nadiifiyo, dembiyada laga maydho, ruuxda la nooleeyo oo ay naftu la timaaddo addoonnimada dhabta ah oo ficila. Waxaynu soo gaadhnay gebo-gabadii Ramadaan, 10-ka danbe waa kuwa ugu qiimaha badan, ugu qaalisan, uguna fadliga badan bisha qiimaha badan.

Rasuulka ﷺ markii ay soo galaan 10-ka danbe ee Ramadaan wuu dedaali jiray si ka badan sidii uu hore u dedaali jiray. Caa’isha (RC) waxay tiri:

“Markii ay soo galaan tobanka danbe ee Ramadaan, Nebigu ﷺ wuu adkayn jiray cibaadada (Kusii dedaali jirey), habeenkiina wuu tukan jiray, qoyskiisana wuu kicin jiray.”
(Bukhaari & Muslim)

Taasi waxay ina tusaysaa in maalmahan aysan ahayn maalmo caadi ah; waa maalmo iyo habeenno ajarkooda, abaalmarintooda iyo aqbalkooduba wayn yahay.

Waxaynu isla eegi doonnaa toban hab oo aad kaga faa’iidaysan karto 10-ka danbe ee Ramadaan.

1. Raadi Laylatul Qadriga

Laylatul Qadrigu waa habeen ka khayr badan 1000 bilood. Taasi waxay ka dhigan tahay in hal habeen oo cibaado ah uu la mid yahay in ka badan 83 sano oo cibaado ah.

Ilaahay wuxuu Qur’aanka ku yiri:

“Laylatul Qadrigu waa ka khayr badan tahay kun bilood.” (Suurat Al-Qadr: 3)

Habkan ugu fiican ee lagu heli karo waa:

  • Salaadda habeenkii (Qiyaam)
  • Ducada
  • Qur’aan akhriska
  • Istighfaarka
  • Sadaqada
  • Iyo camal wanaagsan oo kasta oo la joogteysto toban kahabeen ee tirsan.

Ducada Nebigu ﷺ baray Caa’isha marka Laylatul Qadriga la raadinayo waa:

“Allahumma innaka ‘afuwwun tuhibbul ‘afwa fa’fu ‘anni.”
(Ilaahayow waxaad tahay mid cafis badan, waxaadna jeceshahay cafiska, ee i cafi.)

2. Qur’aanka Akhris badan, gaar ahaan habeennada toban ka danbe.

10-ka danbe waa waqtiga ugu fiican ee Qur’aanka lala saaxiibo. Xitaa haddii aad maalin kasta 1 juz akhrido, waxaad dareemi doontaa in qalbigaagu is beddelayo. Habeenkiina badh akhri qur’aanka marka gabalku dhaco ilaa laga gaadhayo suxuurta. Ha hilmaamin inaad salaadda subax kahor iyo kaddibna wardi yeelato waayo waa wakhtiga ugu qiimaha badan ee soo raaca. 

3. Kordhi Ducada

Gacmaha sare utaag adiga oo Rabbigaaga baryaya. Amuurahaaga oo dhan u sheego, kaliyaha ma aha inaad aakhiro badbaado. Balse adduunka waxkasta oo aad rabto oo nolosha kuu fududeynaya waydiiso sida LACAG, CAAFIMAAD, QOYS WANAAGSAN, TOOSNAAN, CIBAADADA IN ALLE KUU FUDUDEEYO, CAMALKA SUUBAN KU WAAFAJIYO, CILMIGA KUU SIYAADIYO IYO INAANU ILAAHAY NIMCADA AAD KU JIRTO DHIBAATO KUUGU BEDELIN…….

Sii qoro haddii aad rabto. Sujuudda ku ducayso, salaadaha eedaanka iyo aqiinka dhexdooda ducada badso, afurka hal saac kahor fadhiiso waxa ugu yar ee aad rabto Rabbigaa u sheego. Ilaahaybaa swt ku siinaya’e.

Ilaahay wuxuu yidhi: “I baryada, waan idiin ajiibiyaa.” (Suurat Ghafir: 60)

Duca kasta oo aad gacmaha sare u taagtay Ilaahay wuu kaa aqbalay. Ogow Saddex meelood mid ahaanbay kuu galaysaaye: 

  1. In ducadii lagaa aqbalay, waxaad Alle waydiisatayna lagu siiyo/siiyey
  2. In BALAAYO kugu soo socotay lagaaga xijaabo/celiyo.
  3. In kayd ay kuu gasho AAKHIRO aad ku badbaado.

Miyaanay habboonayn inaynu gacmaha inbadan kor u hayno mar haddaanay innaga lumayninba. Qalbigaaga soo jeedi, qiblada u jeedo, ha jeed jeedsan, Is dhul dhig, Oy haddii aad ooyi karto, Salliga Nebiga SCW ducadaada ku dhex badi, duco kasta Salliga Nebiga ka horeysii waxay xoojinaysaa aqbalka ama ducadaada oo dhan ka dhig salliga Nebiga SCW. 

4. Sadaqada Kordhi

Sadaqadu waxay ka mid tahay camalka ugu qiimaha badan 10-ka danbe.

Waxay noqon kartaa: lacag aad la baxdo, Qof sooman oo aad cunno, masaajidda oo aad afur geyso, biyo geyso, shaah aad geyso, qof masaakiin ah oo aad caawiso ama qof aad farxad geliso oo aad u fududeyso arrimo ku taagnaa. 

Rasuulka ﷺ Ramadaanka wuxuu ahaa mid ka deeqsi badan dabaysha socota. Ku dayo

5. Qiyaamul Layl (Salaadda Habeenka)

Haddii aad rabto inaad si dhab ah uga faa’idaysato 10-ka danbe,  Qiyaamka ku dedaal oo yaanu habeenna ku dhaafin. Awood ma lihin balse Ilaahay waydiiso inuu Ilaahay kuu fududeeyo, ku waafajiyo, kuu sahlo oo awood kuu siiyo inaad hor istaagto. Si aad taas u hesho Rabbigaa maalintii ha caasiyine, dhowrso idamka Alle.

6. Istighfaar Badan

Qof kasta dembi ayuu leeyahay. Laakiin dadka guulaysta waa kuwa badana istighfaarta badsada.

Ku celceli: Astaghfirullah ama astaghfirullah wa atubu ilayh

Istighfaartu: Qalbigay nadiifisaa, risiqay kordhisaa sidoo kale waxay yareysaa werwerka. 

7. Qoyskaaga Kici

Nabigu ﷺ keligii ma cibaadayn jirin; qoyskiisa ayuu kicin jiray.

10-ka danbe isku day: Carruurtaada ku barbaari cibaadada, qoyska wada tukada, wada duceysta ku dedaala inaad noqotaan. Si aad u heshaan barakada nolosha. 

Waxay noqon kartaa xasuus noloshooda beddesha, oo aanay waligood ilaawin. 

8. Ka fogoow waxyaabaha waqtiga lumiya

10-ka danbe qaar badan waxay ku lumiyaan: social media, Sheekooyin aan faa’ido lahay iyo daawashada waxyaabo aan muhiim ahayn. Yaraysow habeennadan qiimaha badan. 

Is weydii: Haddii Laylatul Qadrigii ay caawa tahay, sideen waqtigayga u isticmaalayaa?

9. Niyad cusub lakaalay:

Ramadaantu ma aha oo kaliya bil cibaado; waa bil dib u dhis nololeed.

10-ka danbe samee go’aanadan:

  • Inaan salaaddaha joogteeyo, waliba Aqiimka masaajidka kudhex jiro si aan sheekha ula xidho. 
  • Inaan Qur’aanka sii kordhiyo. Isku day toban ka danbe inaad mar, laba, saddex ama afar jeer dhamayso. Kaliya waxa kaa xiga inaad wakhti siiso oo aad qayb qaybiso. 
  • Inaan sadaqada caado ka dhigto. Habeenkasta sii qorshayso meel aad sadaqo kula baxdo. Sii diiwaangasho oo habeenkasta sadaqo labax. Habeenkaa haddii aad la kulanto laylatul qadrigii waxay ka dhigan tahay adigoo 1000 bilood sadaqadaysanayey ama 84 sanno. 
  • Inaan dembiyada ka tago

10. Qalbigaaga La Hadal

Mararka qaar cibaadada ugu fiican waa in qofku kaligiis fadhiisto oo qalbigiisa la hadlo.

Is weydii:

  • Haddii Ramadaantani tahay middii ugu dambeeysay ee aan noolaan doono maxaad yeeli?
  • Maxaan rabaa inaan Ilaahay kula kulmo anigoo soo sameeyay?

Su’aalahan ayaa qofka ka dhigi kara mid si dhab ah u toosa, u garta xaqiiqada nolosha. 

10-ka danbe ee Ramadaan waa maalmo dahabi ah oo hal mar sanadkii inasoo mara. Dad badan waxay ka faa’idaystaan si ay u helaan cafiska Ilaahay, halka qaar kalena ay si fudud ku dhaafaan.

Su’aasha ugu muhiimsan waa:

Adigu kee ayaad noqon doontaa?

Haddii aad si dhab ah uga faa’iidaysato 10-kan habeen, waxaa laga yaabaa inay noqdaan habeennadii noloshaada beddelay. Salaaddii, soonkii, qiyaamkii, ducadii iyo acmaashii wanaagsanayd oo dhan Rabbigaa kaa aqbalay. Farxad intee leeg ayaad dareemi lahayd. Maanta u dedaal, beri ma hubtide idamka Alle.

Alle ha innala kulmiyo habeenkaa qiimaha badan. Aamiin. 

Guuleyso!

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]

Tixgelin.

--------------------------------------------------

Lasoo deg APPka Somalijobs(Download Somalijobs APP)

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164

Attachments