Guulahaaga Ku Dedaal
Aug 14, 2025 by

Guulahaaga Ku Dedaal: Qof Walba Wuxuu Leeyahay Jadwal u Gaar ah!
Dunida maanta, gaar ahaan bulshada da’da 23–30 jir, waxaa si joogto ah loo dareemaa cadaadis ah in la gaadho guulo muuqda waqti kooban. Baraha bulshada, sawirrada guulaha degdegga ah, iyo wararka dadka guuleystay waxay abuurayaan isbarbardhig aan sax ahayn. Si kastaba ha ahaatee**, jadwalka guusha qof kasta uu ka duwan yahay kan qof kale** ee aad isbarbar dhigayso ama aad isku dhererinayso.
Daraasado cilmi-nafsiyeed oo ay sameeyeen jaamacadaha Harvard iyo Stanford ayaa tilmaamaya in guusha qofka ay ku xidhan tahay wadarta ama isku darka saddex arrimood:
- Fursadaha — helitaanka ilaha, taageerada bulshada, iyo fursadaha shaqo.
- Xirfaddaha & aqoonta — heerka kartida iyo barashada joogtada ah.
- Xaaladdaha gaarka ah — caafimaad, xaalad dhaqaale, iyo xaalado qoys.
Qodobadan ayaa dhaliya in waqtiga uu qof guul gaadho uu si weyn uga duwanaado dadyowga kale, xitaa haddii labaduba ay ku socdaan jihada saxda ah.
Halista isbarbardhigga joogtada ah
Isbarbardhigga joogtada ah wuxuu sababi karaa:
- Hoos u dhac ku yimaada qanacsanaanta nolosha.
- Cadaadis iyo werwer joogto ah.
- Ka tanaasulid qorshahaaga gaarka ah ee nolosha.
Cilmi-baadhis ay sameeyeen American Psychological Association waxay caddeysay in dadka si joogto ah isu barbar dhiga ay u nugul yihiin niyad-jabka marka ay guulaha dadka kale arkaan.
Tusaale nolosha dhabta ah: Sheekhul As-har wuxuu derejada caalim Sheekh ah ku gaadhi isagoo 55 jir ah kaddib markii uu bedelay go’aankiisii. Colonel Sanders (aasaasihii KFC) wuxuu helay guusha weyn isagoo 65 jir ah. Mark Zuckerberg wuxuu noqday bilyaneer isagoo 23 jir ah.
Saddexdooduba waxay gaadheen guul, balse jadwalka noloshoodu aad buu u kala duwanaa.
Talooyin waxtar leh
- Qorshe cad yeelo – Qor himilooyinkaaga, kuwaas oo gaar ahaan ku saleysan danahaaga iyo awoodahaaga.
- U fiirso horumarkaaga – Is barbar dhig naftaada maanta iyo shalay, halkii aad dadka kale la barbardhigi lahayd.
- U dabbaaldeg guulaha yar-yar – Wax kasta oo aad dhammaystirto waa talaabo aad hore u qaaday.
- Xakamee isticmaalka baraha bulshada – Gaar ahaan marka aad dareento in aad is barbardhigayso dadka kale.
Guusha ma laha jadwal guud oo qof walba ka mid yahay. Qof walba wuxuu leeyahay waqti, xaalad, iyo waddo u gaar ah. Markaad fahanto arrintan, waxaad ka xoroobaysaa cadaadiska isbarbardhigga oo waxaad xoogga saari kartaa inaad ku socoto waddadaada. Guusha dhabta ahi waa marka aad ka horumar badan tahay naftaadii shalay, ee aysan ahayn qof kale maanta. Ku dedaal maalinkasta inaad shalay ka fiicnaato 1% hal boqolkiiba. Tusaale, Haddii aad shalay 2 bog aad ka akhriday buug, maanta haddii aad 3 bog ka dhigto shalay waxaad ka fiicantahay 1% hal boqolkiiba. Laakiin haddii aad maanta akhrido 1 bog oo kaliya maantadaadu waxay ka liidataa shalay 1%. Taasina waxay tibaaxaysaa fashil qofeed ama guuldarro. Hankaaga sare u qaad, qorshe dejiso, qor ahdaafta kuwaad xaqiijin karo, jejebi oo maalinba qayb ka shaqee ugu danbayn guul aad gaadho oo aad ku faraxdo ayey keeni.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
**Lasoo deg APPka ** Somalijobs(Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164