Xeeladda Ugu Weyn Ee Wax-Soosaarku Waa Inaad Tidhaahdo…!

Jul 26, 2026 by somalijobs inc

Xeeladda Ugu Weyn Ee Wax-Soosaarku Waa Inaad Tidhaahdo…!

Tab iyo xeeladda ugu weyn ee kor loogu qaado wax-soosaarku waa inaad odhan karto maya. Inaad waxba qaban weydo mar walba way ka dhakhso badan tahay inaad wax qabato. Hadalkani wuxuu i xusuusinayaa odhaah hore oo loo isticmaalo barnaamij samaynta kombiyuutarrada: “Xusuusnow in aanu jirin koodh(Code) ka dhakhso badan koodh (Code) aan la qorin.”

Isla falsafaddan ayaa khusaysa qaybaha kale ee nolosha. Tusaale ahaan, ma jiro kulan ka dhakhso badan kulan aan la qaban. Tani macnaheedu ma aha inaadan mar dambe kulan ka qaybgelin. Laakiin xaqiiqadu waxay tahay inaan “haa” ku nidhaahno waxyaabo badan oo aynaan dhab ahaan doonayn inaan qabanno. Kulamo badan ayaa la qabtaa iyadoo aan loo baahnayn. Koodh badan ayaa la qoraa iyadoo ay fiicnaan lahayd in la tirtiro ama aan markii horeba la qorin.

Immisa jeer ayay dadku kaa codsadaan inaad wax u qabato, adiguna si fudud ugu jawaabtaa:

“Haa, waa hagaag.”

Saddex maalmood kaddib waxaad dareemaysaa culays, sababtoo ah liiska hawlahaaga ayaa aad u dheeraaday. Waxaynu ka cabannaa waajibaadkeenna, inkastoo innaga lafteennu markii hore aynu aqbalnay.

Waxaa mudan in la isweydiiyo in waxyaabahaas oo dhami dhab ahaan lagama maarmaan yihiin. Qaar badan oo ka mid ahi ma aha. “Maya” fudud ayaa mararka qaarkood ka wax-soosaar badan shaqada uu qaban karo qofka ugu hufan.

Laakiin haddii faa’idooyinka ku jira inaad tidhaahdo maya ay sidaas u cad yihiin, maxaynu marar badan “haa” u nidhaahnaa?

Sababta aynu “haa” u nidhaahno

Codsiyo badan waxaynu u aqbalnaa, ma aha inaan doonayno inaan qabanno, balse sababtoo ah ma doonayno in la inoo loo arko dad edeb daran, isla weyn ama aan wax tarin.

Badanaa waxaad u baahan tahay inaad maya ku tidhaahdo mararka qaar qof aad mustaqbalka mar kale la macaamili doonto, sida qof aad wada shaqaysaan, qoyskaaga ama saaxiibbadaa.

Inaad dadkaas maya ku tidhaahdo waxay noqon kartaa arrin aad u adag, sababtoo ah waan jecelnahay, waxaynu doonaynaa inaynu taageerno. Waxaa kale oo jirta inaan annaguna mararka qaarkood u baahan nahay caawimaddooda.

La shaqaynta dadka kale waa qayb muhiim ah oo nolosha ka mid ah. Fikirka ah in xidhiidhku xumaado ayaa maskaxdeenna kaga culus waqtiga iyo tamarta aynu ballanqaadayno.

Sababtaas awgeed, waxaa wanaagsan inaad si xushmad iyo naxariis leh uga jawaabto. Samee wanaagga aad awooddo, laakiin marka ay khasab noqoto inaad maya tidhaahdo, noqo qof qalbi wanaagsan, go’aan cad oo toosan.

Si kastaba ha ahaatee, xitaa marka aynu tixgelinno arrimahan bulsheed, qaar badan oo innaga mid ahi si wanaagsan uma maareeyaan kala doorashada “haa” iyo “maya.”

Waxaynu isku aragnaa innagoo qaadnay waajibaadyo aad u badan oo aan si macno leh u caawinaya dadka innagu xeeran, isla markaana aan horumarinin nolosheenna.

Waxaa laga yaabaa in dhibaatadu qayb ahaan tahay sida aynu u fahanno macnaha “haa” iyo “maya.”

Farqiga u dhexeeya “haa” iyo “maya”

Erayada “haa” iyo “maya” marar badan ayaa la isbarbar dhigaa, sidaas darteed waxay u muuqdaan inay miisaan isku mid ah leeyihiin marka la hadlayo.

Laakiin xaqiiqadu waxay tahay inaanay ahayn oo keliya laba eray oo macno ahaan iska soo horjeeda, balse ay sidoo kale aad ugu kala duwan yihiin heerka ballanqaadka ay xambaarsan yihiin.

Markaad tidhaahdo maya, waxaad diidaysaa hal ikhtiyaar oo keliya.

Markaad tidhaahdo haa, waxaad maya ku leedahay dhammaan ikhtiyaarrada kale.

Waxaan jeclahay sida uu dhaqaaleyahan Tim Harford uu yidhi:

“Mar kasta oo aynu haa ku nidhaahno codsi, waxaynu sidoo kale maya ku nidhaahnaa wax kasta oo kale oo aynu waqtigaas ku qaban lahayn.”

Markaad wax isku xilqaanto, waxaad hore u go’aamisay sida qayb ka mid ah waqtigaaga mustaqbalka loo isticmaali doono.

Si kale haddii loo dhigo, inaad tidhaahdo maya waxay kuu kaydinaysaa waqti. Inaad tidhaahdo haa waxay kaa qaadaysaa waqtiga mustaqbal aad ku dhisanlahayd.

“Maya” waa nooc ka mid ah kaydka waqtiga. Waxaad sii haysanaysaa awoodda aad waqtigaaga mustaqbalka ugu adeegsan karto sida aad doonto.

“Haa” waa nooc ka mid ah deynta waqtiga. Mar uun waa inaad gudataa ballanqaadka aad qaadday.

Maya waa go’aan.
Haa waa masuuliyad.

Doorka “Maya”

Inaad tidhaahdo maya waxaa mararka qaarkood loo arkaa raaxo ay awoodaan oo keliya dadka awoodda leh.

Waa run in diidmada fursaduhu ay fududahay marka aad haysato awood, lacag iyo mansab kuu noqon kara shabakad badbaado.

Laakiin sidoo kale waa run in “maya” aanay ahayn mudnaan gaar u ah dadka guulaystay oo keliya. Waa istaraatiijiyad kaa caawin karta inaad guulaysato.

Inaad maya tidhaahdo waa xirfad muhiim ah oo loo baahan yahay marxalad kasta oo ka mid ah shaqadaada, sababtoo ah waxay kuu ilaalinaysaa hantida ugu muhiimsan ee nolosha: waqtigaaga.

Sida uu yidhi maalgeliyaha Pedro Sorrentino:

“Haddii aanad waqtigaaga ilaalin, dadku way kaa xadi doonaan.”

Waa inaad maya ku tidhaahdo wax kasta oo aan kuu horseedayn hadafyadaada.

Waa inaad maya ku tidhaahdo waxyaabaha ku mashquuliya.

Mid ka mid ah akhristayaasha ayaa igu yidhi:

“Haddii aad ballaadhiso sida aad u fahmayso adeegsiga erayga maya, dhab ahaantii waa tabta keliya ee wax-soosaarka, sababtoo ah si aad wax-soosaar u yeelato, ugu dambayn waa inaad maya ku tidhaahdo mashquul kasta.”

Ma jiro qof fikraddan si ka wanaagsan u muujiyey Steve Jobs, oo yidhi:

“Dadku waxay u malaynayaan in diirad-saaristu tahay inaad haa ku tidhaahdo waxa aad doonayso inaad diiradda saarto. Laakiin taas macnaheedu sidaas ma aha. Waxay ka dhigan tahay inaad maya ku tidhaahdo boqol fikradood oo kale oo wanaagsan. Waa inaad si taxaddar leh u doorataa.”

Halkan waxaa muhiim ah in dheellitirnaan la sameeyo.

Inaad maya tidhaahdo macnaheedu ma aha inaadan waligaa samayn wax xiiso leh, cusub ama lama filaan ah. Waxay ka dhigan tahay inaad si diirad leh “haa” u tidhaahdo.

Markaad meesha ka saarto waxyaabaha mashquuliya, waxaa macno samayn karta inaad haa ku tidhaahdo fursad kasta oo kuu dhaqaajin karta jihada saxda ah.

Waxaa laga yaabaa inaad tijaabiso waxyaabo badan si aad u ogaato waxa shaqaynaya iyo waxa aad jeceshahay.

Muddadan sahamintu waxay si gaar ah muhiim u noqon kartaa bilowga mashruuc, shaqo ama xirfad.

Horumarinta Maya-daada

Marka waqtigu socdo, adiguna aad sii horumarto oo aad guulaysato, istaraatiijiyaddaadu waa inay isbeddelaysaa.

Qiimaha fursaddaha kale ee aad waqtigaaga ku isticmaali lahayd ayaa kordha marka aad guul badan gaadho.

Bilowga waxaad meesha ka saaraysaa oo keliya mashquullada muuqda, waxaadna sahamisaa inta kale.

Marka xirfaddahaagu kobcaan oo aad barato kala saaridda waxa shaqaynaya iyo waxa aan shaqaynayn, waa inaad si joogto ah sare ugu qaaddaa heerka shuruuddaha aad “haa” ku odhanayso.

Weli waxaad u baahan tahay inaad maya ku tidhaahdo mashquullada. Laakiin sidoo kale waa inaad barato inaad maya ku tidhaahdo fursado markii hore ahaa kuwo wanaagsan oo waqtiga lagu isticmaalo, si aad boos ugu samayso waxyaabo ka sii qiimo badan.

Waa go’aan wanaagsan oo la yeesho, laakiin waa xirfad adag oo la barto.

Si kale haddii loo dhigo, waa inaad marba marka ka dambaysa horumarisaa waxyaabaha aad maya ku leedahay.

Horumarinta “maya”-daadu macnaheedu ma aha inaadan waligaa haa odhan. Waxay ka dhigan tahay in jawaabtaada caadiga ahi noqoto maya, oo aad haa tidhaahdo oo keliya marka ay dhab ahaan macno samaynayso.

Sida uu yidhi maalgeliyaha Brent Beshore:

“Inaad tidhaahdo maya aad bay awood u leedahay, sababtoo ah waxay ilaalinaysaa fursadda aad mustaqbalka haa ku odhan karto.”

Habka guud wuxuu u muuqdaa sidan:

Haddii aad barato inaad maya ku tidhaahdo mashquullada xun, ugu dambayn waxaad kasban doontaa awoodda aad maya ugu tidhaahdo fursadaha wanaagsan.

Sida loo yidhaahdaa “maya”

Inta badan waxay u badan tahay inaynu aad ugu degdegno inaynu haa nidhaahno, isla markaana aynu aad uga gaabinno inaynu maya nidhaahno.

Waxaa mudan inaad isweydiiso halka aad kaga jirto labadaas dhinac.

Haddii ay kugu adag tahay inaad maya tidhaahdo, waxaa laga yaabaa inay ku caawiso istaraatiijiyad uu soo jeediyey Tim Harford, dhaqaaleyahankii Ingiriiska ahaa ee aan hore u soo sheegay.

Wuxuu yidhi:

“Hal xeelad ayaa ah inaad isweydiiso: ‘Haddii maanta la iga rabo inaan tan qabto, ma aqbali lahaa?’”

Tani waa xeer guud oo wanaagsan, sababtoo ah ballanqaad kasta oo mustaqbalka ah, si kasta oo uu u fog yahay, ugu dambayn wuxuu isu beddeli doonaa arrin degdeg ah oo ku hor taal.

Haddii fursaddu tahay mid aad u xiiso badan oo aad diyaar u tahay inaad joojiso waxa aad hadda qabanayso, markaas jawaabtu waa haa.

Haddii aanay sidaas ahayn, waxaa laga yaabaa inaad laba jeer ka fikirto.

Tani waxay la mid tahay habka caanka ah ee Derek Sivers ee la yidhaahdo:

“Aad baan u doonayaa ama maya.”

Haddii qof kaa codsado inaad wax qabato, falcelintaada ugu horraysana ay tahay:

“Haa, aad baan u doonayaa!”

Markaas samee.

Laakiin haddii aanay ku farxad gelin ama ku xiisegelin, maya dheh.

Suurtagal ma aha inaad mar kasta xusuusato inaad su’aalahan isweydiiso marka aad go’aan qaadanayso. Si kastaba ha ahaatee, waa layli faa’ido leh oo mararka qaarkood dib loogu noqdo.

Inaad maya tidhaahdo way adkaan kartaa, laakiin badanaa way ka sahlan tahay ikhtiyaarka kale.

Sida uu qoraa Mike Dariano sheegay:

“Way ka sahlan tahay inaad iska ilaaliso ballanqaad intii aad ka bixi lahayd ballanqaad aad hore u qaadday. Inaad maya tidhaahdo waxay kaa ilaalinaysaa dhinaca fudud ee xaaladdan.”

Waxa caafimaadka ka runta ahi, wax-soosaarkana waa ka run:

Ka hortag yar ayaa ka qiimo badan daaweyn badan.

Awoodda “Maya”

Dedaal badan ayaa lagu lumiyaa qabashada waxyaabo aan muhiim ahayn marka loo eego dedaalka lagu lumiyo qabashada waxyaabaha si aan hufnayn.

Haddii ay sidaas tahay, ka saaristu waa xirfad ka waxtar badan hagaajinta habka wax loo qabanayo.

Waxaan xusuustaa odhaahda caanka ah ee Peter Drucker:

“Ma jiro wax ka faa’ido daran inaad si hufan u qabato wax aan markii horeba loo baahnayn in la qabto.”

W/Q: James Clear

W/T: Somalijobs Team

Guuleyso!

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]

Tixgelin.

--------------------------------------------------

Lasoo deg APPka Somalijobs(Download Somalijobs APP)

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164

Attachments