Jun 22, 2025 by
Adduunkan maanta, hoggaamintu waxay inta badan lala xidhiidhiyaa amar, derajo iyo xukun sare. Laakiin qaab hoggaamineedka leh awood hagaagsan — awood si wanaagsan loo adeegsado, taasoo dhistaa, kor u qaadda, oo isbeddel horseedda ayey inbadan aqoonyahanka mawduucan wax ka baadhaa ku tababarayaan hoggaamiyeyaasha soo koraya.
Awoodda wanaagsan waa awoodda lagu hogaamiyo si daacadnimo, damqasho, masuuliyad iyo hadaf leh. Maaha awood lagu cabbudhiyo dadka, balse waa mid dadka lagu garab siiyo, lagu fahmo, laguna kobciyo.
Hogaamiyaha adeegsada awoodda wanaagsan ma aha kan amarka keliya bixiya, ee waa kan dadka u adeegaya —hoggaamiye adeege ah.
Maxay awoodda wanaagsan muhiim u tahay maanta?
Xafiisyada iyo goobaha shaqo ee casriga ah waxay doonayaan hoggaan leh qiime iyo garasho. Shaqaaluhu waxay rabaan hoggaamiye dhegeysta, macaamiishuna waxay doonayaan shirkado masuuliyad bulsho leh.
Caalamka maanta, hoggaamiyeyaasha adeegsada hababka cabsi gelinta, kibir ama xukun adag waa la saluugsanyahay. Hase yeeshee, kuwa leh awood wanaagsan waxay noqdeen kuwa la jeclaado oo lagu daydo.
Astaamaha hoggaamiyaha adeegsada awoodda wanaagsan
Bal eeg taariikh nololeedka Nebi Muxammad (NNKH) —wuxuu ku hogaamiyeen dulqaad, cadaalad, iyo naxariis. Ma aanu adeegsan xoog, balse wuxuu ku guuleystay qalbiyada iyo maskaxda dadka.
Shirkaddaha iyo ururada ay hoggaanka u yihiin madax daacad ah oo rumaysan kalsoonida iyo isqaddarinta, waxay la kulmaan horumar dhaqaale iyo bulsho oo dhabta ah.
Sidee loogu bilaabaa hoggaaminta awoodda wanaagsan?
Awoodda wanaagsan ma aha qaab hoggaamineed oo kumeel gaadh ah – waa falsafad nololeed. Waxay reebtaa dhaxal ah: dad la qiimeeyay, bulsho la kobciyay, iyo hab horumar waari kara loo gaadhay.
Ugu dambayn, hoggaanka dhabta ahi laguma cabbiro inta uu gaadhay, balse inta uu kiciyay, koryeelay oo beddelay dadkii uu hoggaminayey ayaa lagu qiimeeyaa.
Haddaba, dooro inaad ku hogaamiso awood wanaagsan. Maanta, ma nihin kuwo u baahan madax kale – waxaan u baahanahay dad kobciya dadka kale, dhisaa bulsho, oo sameeya mustaqbal wanaagsan.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
**Lasoo deg APPka ** Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164