Ku Hoggaami Awood Wanaagsan: Heerka Cusub Ee Hoggaaminta Wanaagsan
Jun 22, 2025 by

Adduunkan maanta, hoggaamintu waxay inta badan lala xidhiidhiyaa amar, derajo iyo xukun sare. Laakiin qaab hoggaamineedka leh awood hagaagsan — awood si wanaagsan loo adeegsado, taasoo dhistaa, kor u qaadda, oo isbeddel horseedda ayey inbadan aqoonyahanka mawduucan wax ka baadhaa ku tababarayaan hoggaamiyeyaasha soo koraya.
Awoodda wanaagsan waa awoodda lagu hogaamiyo si daacadnimo, damqasho, masuuliyad iyo hadaf leh. Maaha awood lagu cabbudhiyo dadka, balse waa mid dadka lagu garab siiyo, lagu fahmo, laguna kobciyo.
Hogaamiyaha adeegsada awoodda wanaagsan ma aha kan amarka keliya bixiya, ee waa kan dadka u adeegaya —hoggaamiye adeege ah.
Maxay awoodda wanaagsan muhiim u tahay maanta?
Xafiisyada iyo goobaha shaqo ee casriga ah waxay doonayaan hoggaan leh qiime iyo garasho. Shaqaaluhu waxay rabaan hoggaamiye dhegeysta, macaamiishuna waxay doonayaan shirkado masuuliyad bulsho leh.
Caalamka maanta, hoggaamiyeyaasha adeegsada hababka cabsi gelinta, kibir ama xukun adag waa la saluugsanyahay. Hase yeeshee, kuwa leh awood wanaagsan waxay noqdeen kuwa la jeclaado oo lagu daydo.
Astaamaha hoggaamiyaha adeegsada awoodda wanaagsan
- Is-dhul-dhig halkii laga Filayey Kibir:
Hoggaamiye wanaagsan wuxuu leeyahay geesinimada uu ku yidhaahdo: “Waan khaldamay”, “I caawi”, “Waad saxnayd”. Waa hoggaamiyaha garanaya qiimihiisa ee u dhibir sanaanaya dadka uu hoggaaminayo. Waa mid Ilaahay SWT kaga baqanaya masuuliyadda uu u hayo dadkiisa oo la waydiin doono halka uu mariyey, halka uu gaadhsiiyey, siduu u ilaaliyey iyo siduu ugu adeegayba. - Dareen dadnimo iyo naxariis:
Wuxuu u dhegeystaa si qoto-dheer, wuxuu fahmaa dadka ka hor inta aanu xukumin ama aanu go’aan aanu qaadan. - Geesinimada in saxa la doorto:
Wuxuu difaacaa waxa saxda ah, xitaa marka aysan u fududayn. Ma iibsanayo sumcadiisa si uu u raali geliyo cidna. Wuxuu leeyahay awood ku dhac iyo kala socodsiin hawleed. - Kobcinta awoodda dadka kale:
Ma aha inuu yahay qofka ugu caqliga badan, laakiin waa kan dadka kale kor u qaada oo hagi kara. Wax ka baran kara oo khibrado iyo talooyin ka korodhsan kara uu ku horumarin karo shaqadiisa hoggaamineed iyo hiraalka uu gaadhsii isleeyahay umadda uu madaxda u yahay ama goobta shaqo ee uu hoggaaminayoba. - Himilo iyo daacadnimo is barbar socda:
Waxay leeyihiin aragti fog iyo hadaf weyn, laakiin weligood ma dayacaan mabaadi'dooda. Kama tanaasulaan waxay aamisan yihiin ee way ku adkaystaan si looga midho dhaliyo hadafkaa iyo hiraalka ay rabaan in la gaadho mudda dhow iyo wakhtiga dheerba.
Bal eeg taariikh nololeedka Nebi Muxammad (NNKH) —wuxuu ku hogaamiyeen dulqaad, cadaalad, iyo naxariis. Ma aanu adeegsan xoog, balse wuxuu ku guuleystay qalbiyada iyo maskaxda dadka.
Shirkaddaha iyo ururada ay hoggaanka u yihiin madax daacad ah oo rumaysan kalsoonida iyo isqaddarinta, waxay la kulmaan horumar dhaqaale iyo bulsho oo dhabta ah.
Sidee loogu bilaabaa hoggaaminta awoodda wanaagsan?
- Naftaada baro: Faham halka aad joogto, waxaad jeceshahay, waxaad necebtahay, waxa ku dhiba, waxaad rumeysantahay iyo hab fikirkaaga nololeedba.
- Abuur dhaqan ixtiraam ku dhisan: Ka dhig meelaha aad hoggaaminayso kuwo qof walba dareemo qiimeyn iyo tixgelin lagusoo hirto.
- Daacadnimo mudnaan hakuu lahaato: Ha labalabaynin marka la joogo arrimaha asluubta iyo anshaxa.
- Hogaami oo baro: Kaliya ha amrin, balse bar, kobci, oo dhiirrigeli dadka aad hoggaamineyso.
- Tusaale u noqo: Ficiladaadu ha hadlaan, halkii hadalka keliya lagaa sugi lahaa. Marar badan isku day inaad ficil wax ku barto.
Awoodda wanaagsan ma aha qaab hoggaamineed oo kumeel gaadh ah – waa falsafad nololeed. Waxay reebtaa dhaxal ah: dad la qiimeeyay, bulsho la kobciyay, iyo hab horumar waari kara loo gaadhay.
Ugu dambayn, hoggaanka dhabta ahi laguma cabbiro inta uu gaadhay, balse inta uu kiciyay, koryeelay oo beddelay dadkii uu hoggaminayey ayaa lagu qiimeeyaa.
Haddaba, dooro inaad ku hogaamiso awood wanaagsan. Maanta, ma nihin kuwo u baahan madax kale – waxaan u baahanahay dad kobciya dadka kale, dhisaa bulsho, oo sameeya mustaqbal wanaagsan.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
**Lasoo deg APPka ** Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164