Naftaada Xisaabi Intaan Lagu Xisaabin
Aug 25, 2025 by

Qof kasta oo bini’aadam ahi waxa uu ku jiraa safar nololeed uu ka buuxo imtixaan iyo tijaabooyin kala duwan. Safarkan waxa uu leeyahay ujeeddo cad oo ah in la gaadho guul nolosha adduun iyo daarta abaalmarinta ee lagu waarayo waa aakhiro’e. Mid ka mid ah odhaahyada taariikhda galay ee qiimaha badan ayaa ah hadalkii Cumar Binu Khadaab (RC) oo yidhi:
“Naftiina xisaabiya intaan la idin xisaabin, Camalkiina miisaama inta aan la idiin miisaamin.”
Odhaahdan gaaban balse miisaanka culus leh waxa ay xambaarsan tahay falsafad hoggaamineed, akhlaaqeed, iyo mid maamulka nolosha ah oo mudan in si qoto dheer loo falanqeeyo.
1. Xisaabinta nafta – is xog ogaansho iyo isla maamulid
Xisaabinta nafta waa hab qofku isku eego, isku weydiiyo, una qiimeeyo ficilkiisa iyo ujeedooyinkiisa. Waa hab la mid ah is xog-ogaanshaha (self-awareness) ee maanta ay ku faanaan cilmi-nafsiga iyo maamulka casriga ah.
Marka qofku naftiisa xisaabiyo, wuxuu ka hortagaa gefaf iyo khaladaad sii socda, wuxuuna helaa fursad uu ku saxo jihada uu usocdo. Sida ganacsade sannadkii mar u sameeya xisaab-xidh (auditing), qofkuna waa inuu maalin kasta sameeyaa xisaabinta nafta (self-audit) habeenkii marka uu seexanayo.
Maxaa khalad iyo gefaf kaa dhacay? Maxaad wanaag aad shaqaysatay? Maanta maxaa kuu kordhay cibaado ahaan, aqoon ahaan, khibrad ahaan iyo horumar ahaan?
2. Miisaamidda camalka – Tayada ka hor tirada
Cumar (RC) wuxuu ku booriyey in camalka la miisaamo intaan laguu miisaamin. Tani waxay muujinaysaa muhiimadda tayada iyo niyadda ka dambaysa ficilka.
Dunida maanta, hay’addaha iyo shirkaddaha waxay si joogto ah u isticmaalaan tijaabooyinka dhawrista tayada (quality control). Isla falsafaddaas ayaa Islaamku hore u dhigay— camalka wanaagsan laguma qiimeeyo badnaantiisa oo keliya, balse waxa ugu weyn waa ikhlaaska iyo in si tayo leh loo qabto hawlaha.
3. Cashar nololeed iyo maamul
Hadalkan wuxuu ina baraa:
- Xag shakhsi ahaaneed: In qofku maalin kasta naftiisa dib u eego, ka fikiro waxa uu saxay iyo waxa uu khaldamay. Maantadaadu maka fiicantahay shalay mise shalaybaa dhaantay maanta oo khasaare ayaad ku sugantahay. Ku dedaal inaad maalin kasta 1% ka fiicnaato shalay si aad ugu biirto safka dadka guuleystay. Tusaale, Haddii aad shalay akhriday 2 bog oo Qur’aan ah. Maanta 3 ka dhigo.
- Xagga hogaaminta: In hogaamiyuhu had iyo jeer dib u qiimeeyo go’aamadiisa, si uusan u noqon mid ku socda dariiq khaldan. Ka fikiro talaabooyinka uu qaadayo iyo ficillada kasoo fulaya ma yihiin kuwo uu ku liibaanayo labada daaroodba. Hoggaamiye waxtar leh ma yahay? Mid naxariis, deganaan, dhanka wanaagsan inuu wax ka eego, sifiican wax u qiimeeyo oo uu talo wadaaga badsada ma yahay?
- Xagga maamulka shaqada: Sida shirkadduhu ugu baahan yihiin in ay samaystaan qorshe maalinle ah, qof kastaa waxa uu u baahan yahay qorshe nafeed. Waa inay jiraan camallo aanad ka tagi Karin maalintaada sida salaaddaha waajibka ah, sunneyaasha, salaadda duxada, adkaarta subixii iyo galabtii, jus qur’aan ah maalintii inaad akhrido ama ka badan iyo inaad witri (salaatul layl) aad tukato. Haddii aanad saqda dhexe kici Karin saddex ragcadood inaad raacsato salaadda cishe sunnaha ka danbeeya markaad tukato. Intaa inaad ku kaabato wixii kale ee adduunyadaada waxtaraya ee horumarin ah.
4. Faa’idooyinka isla-xisaabinta
- Waxay qofka ka ilaalisaa in uu ku dhaco kibir iyo gafaf joogto ah.
- Waxay kordhisaa xikmad iyo degganaan.
- Waxay ka dhigtaa qofka mid hufan oo masuuliyad leh.
- Waxay dhistaa kalsoonida bulshada iyo tan shaqsiga labadaba.
Hadalkii Cumar Binu Khadaab (RC) ma aha oo keliya odhaah taariikheed, balse waa xeer nololeed iyo maamul. Haddii aynu maanta ku dhaqanno, waxaynu helaynaa nolol habaysan, camal suuban, iyo qalbi deggan.
Naftaada maanta xisaabi – hana sugin maalinta xisaabta weyn.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
**Lasoo deg APPka ** Somalijobs(Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164