Garsoorayaal - (30 Garsoore)

Federal Government Of Somalia
Federal Government Of Somalia

About The Government Federal Government of Somalia (FGS) is the internationally recognized government of Somalia, and the first attempt to create a central government in Somalia since the collapse of the Somali Democratic Republic. It replaced the Transitional Federal Government of Somalia on 20 August 2012 with the adoption of the Constitution of Somalia

Job description

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA MAXKAMADDA SARE

ةيلارديفلا لاــموــصلا ةـيروـهـمـج ايلعلا ةمكحملا

FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA

SUPREME COURT

Ujeeddo: Baahin Shaqo Garsoorenimo:

Nooca Shaqada: Garsoorayaal

Goobta Shaqada: Maxkamaddaha Darajada Koowaad & Labaad

Tirada Shaqooyinka Banaan: 30 Garsoore

Taariikhda qabashada codsiyadu xirmayaan: 17/08/2023

Hordhac:

Garsoorku waa hay’adda Qaranka ugu xilsaaran ilaalinta, isku xukunka iyo ku dhaqanka sharciga, dhawrista xuquuqda aadanaha, xallinta cabashooyinka u dhaxeeya dadweynaha ama muwaadiniinta iyo hay’adaha dawliga ah, sidoo kale garsoorku wuxuu u xilsaaran yahay ciqaabta iyo anshax marinta dambiileyaasha. Taas macnaheedu waa in garsoorku mas’uul ka yahay guud ahaan caddaaladda waddanka. Garsoorku waxa uu u taagan yahay u adeegidda muwaadiniinta iyo dadka kale ee daggan dalka, isagoo ka shaqeeya sidii ay u heli lahaayeen adeeg caddaaladeed oo ay aasaas u tahay hufnaan, eex la’aan, dhexdhexaadnimo oo ay fulinayaan adeegeyaal daacad ah, ammaano leh, karti iyo hufnaan leh, shaqo yaqaan ah aqoonna u leh shaqada ay qabanayaan.

Si haddaba loo xaqiijiyo ujeeddada garsoorku u taaganyay ee sare ku xusan loona haqab-tiro baahida ka jirta maxkamadaha derajada koowaad iyo darajada labaad ee ah yaraanta garsooreyaasha ka hawl-gala maxkamdahaas, Garsoorka Gobolka Banaadir wuxuu qaadanayaa tiro garsooreyaal ah si loo dardargeliyo adeegga garsoorku u fidiyo bulshada soomaaliyeed guud ahaan .

Waajibaadka Garsooraha:

  1. U gudashada shaqada garsoorenimo si hufan, madaxbannaan, dhexdhexaad ah, kuna dheehan tahay howlkarnimo, sinnaan iyo caddaalad.
  2. U hoggaansanaanta, dabaqidda iyo ilaalinta sarraynta sharciga mar kasta iyo xaalad kasta cabsi iyo eex la’aan.
  3. Socodsiinta, Maamulidda, dhegeysiga, ka garnaqidda iyo go’aan ka gaarista. dacwadaha si waafaqsan sharciga.
  4. Xaqiijinta in dhinacyadu helaan fursado siman maxkamadda horteeda.
  5. Qiimeynta iyo go’aan ka gaarista caddaymaha maxkamadda la hor keeno.
  6. Samaynta cilmi baarisyo la xiriiraa dacwadaha horyaala garsooraha iyo sharciyada uu dabaqayo.
  7. U socodsiinta dacwadaha si aan daahis laheyn.
  8. Ugu adeegidda bulshada sida ay ku jirto danta caddaaladda oo kaliya.

FOOMKA CODSIGA SHAQADA - GARSOORE 2 (1)

Skills and qualifications

Shuruudaha qofka garsooraha loo qaadanayo:

  1. Waa in uu yahay muwaadin u dhashay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dhimirkiisu dhan yahay, balwadna lahayn, aan gelin dambi maxkamaddi ku xukuntey si kama dambays ah, da’diisuna ka yarayn 30 sanno.
  2. Waa in uu ka heysto Jaamacad la aqoonsan yahay, ugu yaraan shahaadada heerka koowaad dhanka sharci ga ah.
  3. Waa in uu faham fiican ka haysto shareecada islaamka, dastuurka dalka iyo qawaaniinta kale ee dalka u yaala gaar ahaan xeerarka ciqaabta iyo madaniga soomaaliya.
  4. Waa in uu leeyahay ugu yaraan hal sanno oo waayo-aragnimo ku shaqaynta sharciga ah.
  5. Waa in uu leeyahay anshax suubban iyo sumcad wanaagsan bulshada dhexdeeda;
  6. Waa inuu aqoon fiican u leeyahay adeegsiga aaladda computer-ka.
  7. Waa in uu leeyahay xirfad sare oo xallinta khilaafaadka.
  8. Waa in uu qori karo kuna hadli karo luqadaha (Af-soomaali, Carabi iyo Ingiriisi)

 

Attachments

How to apply

Qofka danaynaya shaqadaan waxa uu ku soo diri karaa codsiyigiisa shaqo, macluumaadka taariikh nololeedkiisa [CV] iyo nuqul kamid ah shahaadooyinkiisa jaamacadeed, E-mail kan: [email protected] , iyada oo la buuxinayo foomka la socda. Qabashada Codsiyada shaqo waxay xirmaysaa 17/08/2023.

Similar Jobs

About The Government Federal Government of Somalia (FGS) is the internationally recognized government of Somalia, and the first attempt to create a central government in Somalia since the collapse of the Somali Democratic Republic. It replaced the Transitional Federal Government of Somalia on 20 August 2012 with the adoption of the Constitution of Somalia

See company details