Job description
Jamhuuriyadda Somaliland
Dawladda Hoose ee Degmada Berbera
Republic of Somaliland / Municipality of Berbera
Xafiiska Maamulka Shaqaalaha Dawladda Hoose ee Degmada Berbera
REF: XMDH/DB/XSH/21/2026
Taariikh: Isniin, January 19, 2026
Ku: Cidii Danaynaysa
Ujeeddo: Baahin Fursado Shaqo
Dawladda hoose ee degmada Berbera waxay baahinaysaa 9 fursadood oo shaqo, kuwaas oo kala ah 4 Umuliso (Midwife) iyo 5 Kalkaaliso (Nursing) oo ka banaan xarunta hooyada iyo dhallaanka Bulaxaar MCH.
Sidaa darteed cidii danaynaysa in ay ka faa’iidaysato fursadahaas shaqo kana mid noqdaan shaqaalaha boosaskaas, waxaa lagu wargelinayaa inay ku soo hagaajiyaan CV-yadooda, shahaadooyinkooda iyo dhammaan shuruudaha looga baahan yahay xafiiska shaqaalaha dawladda hoose ee degmada Berbera.
Skills and qualifications
Shuruudaha Looga Baahan Yahay Codsadayaasha
-
Shahaado waxbarasho oo umulisanimo (University degree of Midwife)
-
Shahaado waxbarasho oo kalkaalisanimo (University degree of Nursing)
-
Waayo-aragnimo shaqo ugu yaraan 3 sano
-
Inuu qofku yahay muwaadin Somaliland ah haystana kaadhka dhalashada Somaliland
-
Inuu keeno warqadda danbi la’aanta
-
Inuu soo gudbiyo warqadda caafimaadka oo cadaynaysa inuu maskax ahaan iyo jidh ahaanba u caafimaad qabo
Attachments
How to apply
Qabashada araajidu waxay socon doontaa muddo dhan 7 maalmood, oo ka bilaabmaysa January 20, 2026 kuna dhammaanaysa January 27, 2026.
Guuleed Maxamed Daahir
Madaxa Shaqaalaha
Dawladda Hoose ee Degmada Berbera
(Shaabad & Saxiix)
Dawladda Hoose ee Degmada Berbera – Xafiiska Maamulka Shaqaalaha
Tel: 063-8080919