Job description
Shaqooyinka
Bilan Techno and Electronics, waa meherad iibisa agab kala duwan oo ay ka midka yihiin Computers, Printers, iyo agabka Electronics-ka., kuna taala magaalada Hargeisa.
Bilan Techno waxay bulshada usoo bandhigaysaa fursadaha shaqooyinkan;
1. Branch Manager (Maamule Laan),
2. Sales person (I.T.)- (iibiye agabka Computers-ka),
3. General Accountant (Xisaabiye Guud)
Skills and qualifications
Hadaba Shuruudaha looga baahanyahay tartamayaashu waa;
1. Branch Manager (Maamule Laan);
ü Waa inuu yeeshaa Khibrad shaqo iyo mid Maamul iskugu jirta oo gaaraysa ilaa 3 sanno,
ü Waa inuu kasoo shaqeeyay qaybo ka mid ah agabka ay meheradu iibinayso ee kor kuxusan,
ü Waa inuu yahay qof daggan, soo dhawayn leh, hab-dhaqan wanaagsanna ku suntan,
2. Sales person (I.T.);
ü Waa in uu leeyahay Khibrad shaqo oonan ka yarayn 2 Sanno, oo la xidhiidha iibinta agabka Kombuyuutarada iyo guud ahaanba I.T.-ga,
ü Waa in uu yaqaanaa isticmaalka iyo xidh-xidhidda asaasiga ah ee Kombuyuutarada iyo Printerrada,
ü Waa in uu leeyahay xirfadda iibka iyo soo dhawaynta macmiilka,
3. Xisaabiye Guud;
ü Waa in uu leeyahay khibrad 5 Sanno oo Xisaabiye-nimo,
ü Waa in uu soo maamulay waax – xisaabeed,
ü Waa in uu diyaarin karaa warbixinnada waaxda xisaabaadka (Financial Reports),
ü Waa in uu yaqaanaa maaraynta keydka agabka meherada,
Attachments
How to apply
Haddaba hadii aad xiisaynayso shaqooyinkaa mid ka mid ah, waxaad codsigaaga shaqada (C.V), kusoo dirtaa email-kan; [email protected] inta ka horeysa 10 ka August, 2025