Sales & Marketing Officer

Kobac Business Company
Kobac Business Company

Kobac Business Company waa shirkad hormuud ka ah ganacsiga dharka, kana hawlgasha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho. Shirkaddu waxay ku takhasustay soo dejinta, qaybinta, iyo iibinta dhar tayo sare leh oo loogu talagalay jumladleyda, tafaariiqleyda, iyo macaamiisha kale ee dalka oo dhan.

Job description

MASUULKA SUUQ GEYNTA IYO IIBKA

(Sales & Marketing Officer)

Shirkadda: Kobac Business Company
Goobta Shaqada: Suuqa Bakaaraha, Muqdisho, Soomaaliya
Nooca Shaqada: Joogto ah (Full-Time)

Ku Saabsan Kobac Business Company

Kobac Business Company waa shirkad hormuud ka ah ganacsiga dharka, kana hawlgasha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho. Shirkaddu waxay ku takhasustay soo dejinta, qaybinta, iyo iibinta dhar tayo sare leh oo loogu talagalay jumladleyda, tafaariiqleyda, iyo macaamiisha kale ee dalka oo dhan.

Iyadoo shirkaddu ku jirto koboc iyo ballaarin joogto ah, waxaan raadineynaa masuul Suuq geynta iyo Iib ka ku fiican oo firfircoon, karti leh. Qofka la shaqaaleysiinayo wuxuu door muhiim ah ka qaadan doonaa suuq-geynta badeecadaha shirkadda, soo bandhigista badeecadaha cusub, kordhinta macaamiisha, kobcinta iibka, iyo taageeridda kobaca ganacsiga shirkadda.

Waajibaadka iyo Mas'uuliyadaha Shaqada

Qofka la shaqaaleysiinayo wuxuu yeelan doonaa waajibaadyada iyo mas'uuliyadaha soo socda, waa in uu:

  • Suuq geeyo oo iibiyo badeecadaha shirkadda.
  • Soo bandhigo badeecadaha cusub isla markaana soo jiito macaamiil cusub.
  • Dhiso xiriir wanaagsan oo macaamiisha lala yeesho.
  • Ka ururiyo macaamiisha lacagaha iibka iyo deymaha ku waajibay.
  • La socdo baahiyaha macaamiisha iyo isbeddellada suuqa.
  • Diyaariyo una gudbiyo Waaxda Xisaabaadka warbixinnada maalinlaha ah.
  • Si xirfad leh u matalo shirkadda una bixiyo adeeg macaamiil oo tayo leh.
  • Fuliyo waajibaad kasta oo kale oo maamulka shirkaddu u igmado.

Skills and qualifications

Shuruudaha iyo Aqoonta Loo Baahan Yahay

  • Shahaadada Dugsiga Sare, Diploma, ama Shahaado Jaamacadeed oo la xiriirta Suuq geynta, Maamulka Ganacsiga, Iibka, ama maaddooyin la xiriira.
  • Ugu yaraan hal (1) sano oo waayo aragnimo ah oo la xiriirta iibka, suuq geynta, adeegga macaamiisha, ama shaqooyin la mid ah.
  • Ku hadalka iyo qorista Af-Soomaaliga si wanaagsan.

Attachments

How to apply

Sida Loo Codsanaayo

Dadka danaynaya shaqadaan waxaa laga codsanayaa inay soo diraan:

  • CV-ga (Taariikh Nololeedka)
  • Warqadda Codsiga Shaqada (Cover Letter)
  • Nuqullada Shahaadooyinka Waxbarasho iyo Tababarrada

Email: [email protected]

Cinwaanka Email ka: Codsiga Shaqada Masuulka Suuq geynta iyo Iibka

Wakhtiga Ugu Dambeeya ee Codsiyada

15 June 2026

Kobac Business Company waxay soo dhoweynaysaa dhammaan qof kasta oo buuxin kara jagadaan, shuruudaheeda iyo waajibaad keeda. 

Wixii faahfaahin dheeraad ah ama suaal ah fadlan la xariir number kaan (+252614552645)

Similar Jobs

Kobac Business Company waa shirkad hormuud ka ah ganacsiga dharka, kana hawlgasha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho. Shirkaddu waxay ku takhasustay soo dejinta, qaybinta, iyo iibinta dhar tayo sare leh oo loogu talagalay jumladleyda, tafaariiqleyda, iyo macaamiisha kale ee dalka oo dhan.

See company details