Job details
Posted Date
Dec, 25
Expire Date
Dec, 30
Category
Management/leadership
Location
Hargeisa
Type
Full Time
Salary
---
Education
Masters
Experience
5 - 6 years
Job description
BAAHINTA BOOS SHAQO Date: 25/12/2024
Cinwaanka Jago: Maamulaha Qaynta Barbaarinta (Kindergarten Principal)
Goobta: Hargeisa Somaliland
Waxa uu warbixinta siinayaa: Maalmulaha guud iyo Xafiiska waxbarashada ee HAKO
Waxa u maamulayaa: Ardayda, Macallimiinta, Shaqaale hoosaadka iyo agabka dugsiga
Hordhac:
Dugsiyada Ogaal ee Caalamiga ah waxa loo aasaasay in laga soo saaro arday hormuud ah, diin ahaan, akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba dhisan.
Ardayga waxa loo diyaariyay deegaan heersare ah, kuna habboon waxbarashada, iyada oo ay u dhan yihiin dhammaan agabkii iyo manaahijtii waxbarasho. Ardaygu waxa uu qaadan doonaa Manhajka Qaranka JSL, UK Pearson Edexcel International (IGCSE), iyo manaahij kale oo kab ah, waxana u dhigi doonaa barayaal isugu waddaniyiin iyo ajaanib.
Dugsiyada Ogaal ee Caalamiga ah, waxa ay ku tilmaaman yihiin, oo ay dhigood ka ga soocan yihiin, kulminta aqoonta diineed ee ardayga iyo ta maaddiga ah labadaba, gaar ahaanna xifdiga Qur’aanka
oo dhammaystiran, shareecada Islaamka, afafka Soomaaliga, Carabiga, English, oo si’ xeel dheer loo baraayo, iyo waliba isku turjumaaddooda.
Ardaygan hormuudka ah, waxa loogu talagalay in uu noqdo hogaanka dadka iyo dalkaba, ee horseedaya horumarka umadda dhinac walba.
Maamuluhu waa in uu yahay haldoor, soo saari kara arday hormuud ah. Waa in uu hoggaamin karaa dhammaan howlaha waxbarasho iyo badqabka ardayda si’ loo soo saaro hormuudka dadka iyo dalkaba. Waa in u awood u leeyahay hagitaanka siyaasadaha maaraynta shaqaalaha, agabka, qiimaynta manhajka, jawiga waxbarida iyo waxbarashada oo udub dhexaad u ah guusha ardayga.
Mas’uuliyadaha Muhiimka ah
1. Hoggaanka iyo Aragti-gudbinta
• Hirgeliyo aragtida istiraatiijiyadeed ee ku aaddan dugsiga barbaarinta
• Kobciyo, isku-xirnaanta, iyo hal-abuur macalimiinta iyo shaqaalaha dugsiga.
• Dejiyo yoolal iyo ujeeddooyin lagu gaadho guulaha waxbarasho.
2. Manhajka iyo Habka Waxbarashada
• Kormeero, qaabeeyo sidoo kalena hirgeliyo manhajka qaybta barbaarinta.
• Hubiyo inuu manhajku lajaanqaadayo baahiyaha waxbarashada ee ardayga.
• La socdo tayada waxbaridda sidoo kalena uu hago qorshayaasha iyo hawlaha waxbarasho ee dugsiga.
3. Maamulka iyo Horumarinta Shaqaalaha
• Tababaro, qiimeeyo macallimiinta iyo shaqaalaha qaybta barbaarinta.
• Kobciyo fursadaha horumarinta xirfadeed, hagidda, iyo iskaashiga macalimiinta iyo shaqaalaha.
• Qiimeeyo waxqabadka shaqaalaha oo si hufan uga jawaabo cabashooyinka shaqaalaha.
4. Horumarinta iyo Daryeelka Ardayda
• Hubiyo badqabka, ammaanka iyo xannaaneynaya dhammaan carruurta.
• Hirgaliyo barnaamijyada taageeraya korriinka maskaxda, iyo jidhka ardayda
• Qiimeeyo horumarka waxbarasho ee ardayda.
5. Isku-xirnaanta Waalidka iyo Dugsiga
• Hirgaliyo iskaashi adag oo lala yeesho waalidiinta, xidhiidh iyo kulamo joogto ah.
• Kobciyo jawi iskaashi oo dhagaysto, qiimeeyo talooyinka iyo ka-qaybgalka waalidiinta.
6. Maareynta Hawlaha Dugsiga
• Si hufan u maamulo kharashaadka iyo agabka dugsiga.
• Hubiyo u hoggaansanaanta sharciyada iyo xeerarka badbaadada caruurta.
• Dhaqan geliyo siyaasadaha iyo nidaamyada dugsiga.
7. Hubinta Tayada iyo Warbixinta
• Adeegsado xogta si loo qiimeeyo waxqabadka dugsiga loona sameeyo horumar joogto ah.
• Diyaariyo warbixino joogto ah oo loogu talagalay maamulaha guud iyo maamulka xafiiska waxbarashada ee HAKO.
• Sameeyo qiimaynta gudaha iyo dibadda si loo ilaaliyo heerarka waxbarashada ee dugsiga.
8. Badbaadinta iyo Ilaalinta Carruurta
• Dhaqan geliyo siyaasadaha ilaalinta carruurta si loo ilaaliyo badqabka iyo amaanka ardayda.
• Ku tababaro kuna korjoogteeyo shaqaalaha habraacyada ilaalinta carruurta, shaqaalaha iyo agabka dugsiga
Skills and qualifications
9. Shuruudaha Shaqada:
- Booskan waxa soo xeraysan kara kaliya Dumarka (dhedig)
- Heysto ugu yaraan shahaaddada darajada labaad ee heer jaamacadeed oo takhasus waxbarasho ah (M. Ed), ama fiilalka la xidhiidha, oo ah heer caalami, ama ay wasaaradda waxbarashadu aqoonsan tahay.
- Leeyahay khibrad waxdhigid oo ugu yaraan 5 sano ah.
- Leeyahay khibrad maamul oo la xiriirta nidaamyada waxbarashada qaybta barbaarinta ugu yaraan 3 sano, waliba haddii ay dalka dibaddiisa tahayna, waxa uu heli doonaa mudnaan gaar ah.
- Leeyahay xirfadaha hoggaaminta, maareeynta mushkiladaha iyo go’aan qaadashada.
- Lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimmi karta.
- Leeyahay diin, akhlaaq fiican iyo dulqaad, kana fayow yahay cudurada la is qaadsiiyo, aanu lahayna iin wax u dhimmi karta gudashada xilkiisa.
- Horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.
- Leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.
- Leeyahay xirfadaha asaasiga ah ee isticmaalka kombiyuutarka.
- Leeyahay xirfadaha qoraalka iyo soo bandhiggidda.
- Aqoon fiican u leeyahay luqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo English ka.
- Da'deedu aanay kayarayn 30 sano
10. Lifaaqyada Muhiimka ah:
- Nuqul shahaaddada iyo trancriptiga darajada 1aad ee jaamacadda
- Nuqul shahaaddada iyo trancriptiga darajada 2aad ee jaamacadda
- Nuqul taariikh nololeedka (CV).
- Saddex nuqul oo ah (Recommendation Letter – ةيكزت).
- Hal sawir oo la qaaday labadii bil ee ugu dambeysay.
• Nooca Heshiiska Shaqada: Heshiish Xaddidan (1 Sano).
• Wakhtiga Shaqada: 8 Saac.
How to apply
• Qaabka Dirista Codsiga: [email protected] or [email protected].
• Xilliga kama dambaysta ah ee aqbalaadda codsiga: 30/ 12/2024.