Printing

somalijobs
Somaliland Civil Service Commission

BAAHINTA KAALMAHA SHAQO EE DERAJADA “B” EE HAY’ADDA SHAQAALAHA DAWLADDA

Somaliland Civil Service Commission

Job details

Posted Date

Today

Expire Date

Sep, 10

Category

Multiple Categories

Location

Somaliland

Type

Full Time

Salary

---

Education

Secondary

Experience

2 - 3 years

Job description

BAAHINTA KAALMAHA SHAQO EE DERAJADA “B”
1. FAAHFAAHIN KOOBAN
Nooca Tartanka: Tartan Furan oo Ku Dhisan Mudnaanta Aqoonta, Xirfadda iyo Khibradda
(Merit-Based Competitive Recruitment)
Kaalinta Shaqo ee la codsanyo Darajada: “B”
Habka Codsiga: Waxaad ka soo codsan doontaa barta Internet ee linkiga hoose (Online
Recruitment Portal)
Xilliga Kama Dambaysta ah (deadline): 10 September 2026, 5:00 pm,
2. HORDHAC
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland waxaa la aas-aasay sannadkii 1993, iyada oo
waajibaadkeedu shaqo uu salka ku hayo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Waajibaadka
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda waxaa saldhig u ah Qodobka 35aad, Farqaddiisa 2aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr. 97/2022.
Hay’addu waxay u xilsaaran tahay dhismaha, tayaynta, tababarka, daryeelka iyo dabagalka
shaqaalaha dawladda, si loo helo cudud shaqaale oo leh tayo sare, aqoon deegaamaysan, xirfad iyo
karti, una horseedda hufnaan iyo horumarrinta adeeg bixinta Dawladda Jamhuuriyadda
Somaliland.

Shaqaalaha dawladdu waa laf-dhabarka bixinta adeegyada aasaasiga ah ee guud ee wasaaradaha
iyo hay’adaha dawladdu ay siiyaan muwadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland, sidaas darteed
Hay’addu waxay masuul ka tahay xaqiijinta in maamulka cududda shaqaalaha lagu saleeyo
mudnaan, karti, xirfad, hufnaan, caddaalad iyo isla-xisaabtan.
Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyada oo fulinaysa Xeerka Shaqaalaha Xeer, no 2022/97, gaar
qodobadiisa 30naad, 31naad, 32naad iyo 33naad ayey go’aansatay in shaqo qorista shaqaalaha dawladda
lagu saleeyo tartan caddaalad ah iyada oo ay u wada siman yihiin dhammaan muwaadiniinta reer
Somaliland.
Iyadoo taas laga duulayo, waxa ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ku dhawaaqaysaa tartan furan
oo lagu buuxinayo kaalmaha shaqo ee darajada “B” ee ka bannaan Wasaaraddaha iyo Hay’addaha
Dawladda.
Ujeeddada tartanka ayaa ah in la helo tartamayaal leh aqoon, xirfad, khibrad iyo karti ku habboon
jagooyinka loo tartamayo. Tartamayaashu waxay ku kala guulaysan donaan qaabka iyo sida ay
uga soo baxaan shuruudaha looga baahan yahay marka ay shaqada soo codsanayaan iyo derajada
ay imtixaanka qoraalka ah ka keenaan ee Jamacadaha Dawliga ahi ku qaban donaan Gobol kasta.
Geeddi-socodka iyo nidaamka tartanku waa mid daahfuran, hufan, caddaalad ah, mudnaan-kusalaysan (Merit-Based) oo fursad siman siinaya dhammaan tartamayaasha muwaadiniinta ah ee
reer Somaliland.
3. UJEEDDADA BAAHINTA KAALMAHA SHAQO
1. In la helo tartamayaal u qalma Kaalmaha shaqo ee Darajada “B”.
2. In la xaqiijiyo in shaqaalaha lagu xulayo nidaam ku dhisan mudnaan, karti iyo aqoon.
3. In la helo shaqaale leh xirfado iyo khibrad ku habboon baahiyaha Hay’adaha,
Wasaaraddaha iyo Wakaaladaha Dawladda.
4. In la hirgaliyo xeerarka iyo siyaasadda u dejisan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
5. In Shaqaalaha Dawladda ay ka mid noqdaan dhallinyarada Somaliland ee leh aqoon sare,
xirfad sare iyo hufnaan sare.
6. In la xaqiijiyo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo in fursado siman loogu tartami karo.

7. In codsiyada shaqada lagu maareeyo nidaam casri ah oo Online Recruitment Portal ah

Skills and qualifications

SHURUUDAHA GUUD EE LAGA RABO TARTAMAYAASHA DARAJADDA ‘B’
(QUALIFICATIONS AND SKILLS)
Qofka doonaya inuu u tartamo boosaska shaqo ee Darajada “B” waa inuu buuxiyaa
shuruudahan hoos ku xusan;
1. Inuu yahay/tahay Muwaadin Reer Somaliland ah.
2. Waa in uu haysta/haysataa Shahaadada dugsiga sare ama Shahaadada dugsiga farsamada
gacanta.
3. Waa in ay/in uu ku baasay imtixaanka Dugsiga Sare ama ka Farsamada Gacanta
Darajooyinka ‘A, B ama C.
4. Waa in uu ka qaatay kaadhka dhalashada Gobolka uu ka tartamayo/tartamayso.
5. Waa in uu leeyahay khibrad shaqo oo ugu yaraan laba sanno ah (2 years).
6. Waa in uu soo gudbiyaa dhiganihiisa/ dhiganaheeda (CV-ga) oo uu ku xusan yahay
khibradaha Shaqo iyo Waxbarasho.
7. Waa in Codsiga uu la socdaa ugu yaraan 3 qof oo tixraac kuu ah (references)

How to apply

5. HABKA LOO DALBANAYO (HOW TO APPLY)
Qof kasta oo buuxiyey shuuradaha sare ku xusan, waxa uu bookhanayaa barta Hay’adda
Shaqaalaha ee Shaqooyinka lagu cosado oo ah;
https://cscjobs.org/
Qof kasta oo codsanaya shaqada deraja “B” waxaa looga baahan yahay;
• Warqada Codsiga Shaqada kuna cad yahay kaalinta shaqo ee uu codsanayo/codsanayso
• Soo gudbiyaa dhiganihiisa/dhiganheeda (CV-ga) oo leh saddex tixraac (three references)
• Shahaada Dugsiga sare oo la aqoonsan yahay ama Shahaadada dugsiga farsamada
gacanta.

• Kaadhka Aqoonsiga -National ID
• Sawir kur ah oo uu galay/ama ay gashay lixdii bilood ee u danbaysay.
6. XILLIGA KAMA DAMBAYSTA AH
Dhammaan tartamayaasha danaynaya jagooyinkan shaqo waxaa lagu wargelinayaa inay
codsiyadooda ku soo gudbiyaan Portal-ka online ah ee https://Cscjobs.org ugu dambayn 10-ka
September 2026, 5pm.
Codsiyada la soo gudbiyo ka dib marka uu dhaco waq<ga kama dambaysta ah lama ;xgelin doono
lamana furi doono.
Ka codso fursadan shaqo barta internet-ka ee. https://Cscjobs.org 

Apply on -> https://Cscjobs.org