SHAQOOYIN KA BANAAN DUGSIGA SALLAXLEY (4 BOOS)

DUGSIGA SALAXLEY
DUGSIGA SALAXLEY

Waxaan dhisnaa maskax aqoon leh iyo qalbi iimaan leh. BUILDING MINDS WITH FAITH & KNOWLEDGE

Job description

SHAQOOYIN BANAAN
DUGSIGA SALLAXLEY
Waxaan raadinaynaa shaqaale karti iyo daacadnimo leh oo naga qayb qaata waxbarashada iyo barbaarinta ardayda.
Hoos ka eeg shuruudaha jagooyinka banaan iyo sida dalabka loo gudbiyo.
Jagooyinka banaan: 4 Nooc
Xilliga dalabka: 20 / 08 / 2026
Goobta:  Sallaxley

Skills and qualifications

1) Shuruudaha Maamulaha Dugsiga Sallaxley ee Jiifka leh
Jagada: Maamulaha
 Aqoonta ugu yaraan shahaado jaamacadeed heerka koowaad.
Khibrad ugu yaraan 5 sano oo maamul ah. 
 Sumcad fiican iyo hoggaamin fiican.
Aqoon fiican oo luqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisiga.
Da'da 30 ilaa 60 – 50 jir. E
Waa in uu ka haystaa tazkiyooyin jihooyin lagu kalsoon yahay, sida Culimada iyo Jaamacadaha Dalka.

Waa in uu caafimaad qabaa.
Waa in uu diyaar u yahay in uu shaqeeyo saacadaha dheeraadka ah ee shaqadu u baahan
tahay.
Waa in uu yahay qof dhawrsan oo aan wax balwad ah lahayn. 

2. Shuruudaha Macallimiinta Dugsiga Sallaxley ee Jeefka leh

Waa in uu leeyahay aqoon heer jaamacadeed ah ugu yaraan heerka koowaad. 
Khibrad ugu yaraan 3 sanadood ah. 
Waa in uu yahay qof dhawrsan oo aan wax balwad ah lahayn. 
Waa in uu yahay barbaariye dad tayo leh soo saari kara. 
Waa in aanu ka yaraan 25 sano kana weynaan 50 jir. 
Waa in uu caafimaad qabaa. 
Waa in uu ka haystaa tazkiyooyin jihooyin lagu kalsoon yahay. 

3) Shuruudaha Macallinka Qur'aanka Kariimka 
Waa in uu xifdisan yahay Kitaabka Alle oo dhan, shahaadadii xifdigana haystaa. 
Waa in uu ijaaso haystaa. 
Waa in uu leeyahay khibrad ugu yaraan 3 sano. 
Waa in uu yahay qof toosan. 
Waa in uu ka haystaa tazkiyooyin jihooyin lagu kalsoon yahay. 
Waa in uu caafimaad qabaa. 

4) Shuruudaha Barbaariyaha Dugsiga Sallaxley 

Waa in uu leeyahay aqoon fiican oo shareecada ah. 
Waa in uu yahay qof sumcad fiican leh oo dhawrsan. 
Waa in aanu ka yaraan 30 sano kana weynaan 55 sano. 
Waa in uu caafimaad qabaa. 
Waa in uu leeyahay khibrad ugu yaraan 3 sano. 
Waa in uu ka haystaa tazkiyooyin jihooyin lagu kalsoon yahay.

Attachments

How to apply

SIDEE LOO CODSADAA?
Dalabka iyo dukumiintiyada taageeraya u dir cinwaanka hoose ka hor wakhtiga kama dambaysta ah.
Emailka [email protected]

Telephone
0634118087

Wakhtiga ugu danbeeya (Deadline) 
Khamiis, 20/08/2026


Similar Jobs

DUGSIGA SALAXLEY
DUGSIGA SALAXLEY

0 Followers

Waxaan dhisnaa maskax aqoon leh iyo qalbi iimaan leh. BUILDING MINDS WITH FAITH & KNOWLEDGE

See company details