Faafin Deeq Waxbarasho – Sannad Jaamacadeedka 2025/2026

Federal Government Of Somalia
Federal Government Of Somalia

About The Government Federal Government of Somalia (FGS) is the internationally recognized government of Somalia, and the first attempt to create a central government in Somalia since the collapse of the Somali Democratic Republic. It replaced the Transitional Federal Government of Somalia on 20 August 2012 with the adoption of the Constitution of Somalia

Description

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare
Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hiddaha iyo Tacliinta Sare

Federal Republic of Somalia
Ministry of Education, Culture & Higher Education
Director General for Culture and Higher Education

Tix: WWHTS/TS/0079/2025
Taariikh: 21/07/2025

Ku: Ardayda Soomaaliyeed
Ujeeddo: Faafin Deeq Waxbarasho – Sannad Jaamacadeedka 2025/2026

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo gudanaysa waajibkeeda ku aaddan bixinta adeegyada waxbarashada heerarkeeda kala duwan, waxa ay si rasmi ah u faafinaysaa deeq waxbarasho oo ah heerka koowaad ee jaamacadda (bachelor's degree). Deeqdan waxbarasho oo laga helay Dowladda Aljeeriya ayaa bilaabanaysa sannad jaamacadeedka 2025/2026.
Haddaba, waxa lagu wargelinayaa dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee daneynaysa fursaddan, islamarkaana buuxin karta shuruudaha hoos ku xusan, in ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan mareegtan hoose:

Lingax: https://scholarship.moe.gov.so/auth/signin
Waqtiga la gudbinayo codsiyada: 21ka ilaa 31ka Luuliyo 2025.

SHURUUDAHA DEEQDA WAXBARASHO:

  1. In uu ardaygu haysto shahaado dugsi sare ah, oo ay wasaaraddu aqoonsantahay.
  2. In uu haysto baasaboar shaqeynayo ugu yaraan 2 sano.
  3. In uu haysto warqadda dhalashada iyo sugnanta.
  4. In uu haysto warqadda caddeynta caafimaadka.
  5. In uu haysto warqadda denbi la’aanta (CID).
  6. Ardaygii doonayo Injineerin ama Caafimaad waa in aysan darajadiisu ka yaraan 80%.
  7. Ardaygii doonayo Beeraha, Xannaanada Xoolaha ama Cilmiga Badda waa in aysan ka yaraan darajadiisu 70%.
  8. In uu keeno dammiin lagala xisaabtamo haddii uu waxbarashada dhammaysan waayo.

Lingax: https://scholarship.moe.gov.so/auth/signin

Attachments

Other Opportunities

About The Government Federal Government of Somalia (FGS) is the internationally recognized government of Somalia, and the first attempt to create a central government in Somalia since the collapse of the Somali Democratic Republic. It replaced the Transitional Federal Government of Somalia on 20 August 2012 with the adoption of the Constitution of Somalia

See company details