Maamulaha Qaynta Barbaarinta (Kindergarten Principal)

Ogaal International Schools
Ogaal International Schools

Dugsiyada Ogaal ee Caalamiga ah – مدارس أوجال العالمية , waxa loo aasaasay in laga soo saaro arday hormuud ah oo aad udhisan diin ahaan, akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba. Ardayga waxa loo diyaariyay deegaan habboon waxbarashada, iyada oo ay u dhan yihiin dhammaan agabkii iyo manaahijtii waxbarasho. Ardaygu waxa uu qaadan doonaa Manhajka Qaranka JSL, UK Pearson Edexcel International IGCSE, iyo manaahij kale oo dheeraad ah, waxana u dhigi doonaa barayaal isugu jira waddaniyiin iyo ajaanib. D

Job description

BAAHINTA BOOS SHAQO                                                                                                                                                                                             Date: 25/12/2024

Cinwaanka Jago: Maamulaha Qaynta Barbaarinta (Kindergarten Principal)

Goobta: Hargeisa Somaliland

Waxa uu warbixinta siinayaa: Maalmulaha guud iyo Xafiiska waxbarashada ee HAKO

Waxa u maamulayaa: Ardayda, Macallimiinta, Shaqaale hoosaadka iyo agabka dugsiga

Hordhac:

Dugsiyada Ogaal ee Caalamiga ah waxa loo aasaasay in laga soo saaro arday hormuud ah, diin ahaan, akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba dhisan.

Ardayga waxa loo diyaariyay deegaan heersare ah, kuna habboon waxbarashada, iyada oo ay u dhan yihiin dhammaan agabkii iyo manaahijtii waxbarasho. Ardaygu waxa uu qaadan doonaa Manhajka Qaranka JSL, UK Pearson Edexcel International (IGCSE), iyo manaahij kale oo kab ah, waxana u dhigi doonaa barayaal isugu waddaniyiin iyo ajaanib.

Dugsiyada Ogaal ee Caalamiga ah, waxa ay ku tilmaaman yihiin, oo ay dhigood ka ga soocan yihiin, kulminta aqoonta diineed ee ardayga iyo ta maaddiga ah labadaba, gaar ahaanna xifdiga Qur’aanka

oo   dhammaystiran, shareecada Islaamka, afafka Soomaaliga, Carabiga, English, oo si’ xeel dheer loo baraayo, iyo waliba isku turjumaaddooda.

Ardaygan hormuudka ah, waxa loogu talagalay in uu noqdo hogaanka dadka iyo dalkaba, ee horseedaya horumarka umadda dhinac walba.

Warbixinta Booska:

Maamuluhu waa in uu yahay haldoor, soo saari kara arday hormuud ah. Waa in uu hoggaamin karaa dhammaan howlaha waxbarasho iyo badqabka ardayda si’ loo soo saaro hormuudka dadka iyo dalkaba. Waa in u awood u leeyahay hagitaanka siyaasadaha maaraynta shaqaalaha, agabka, qiimaynta manhajka, jawiga waxbarida iyo waxbarashada oo udub dhexaad u ah guusha ardayga.

Mas’uuliyadaha Muhiimka ah

1. Hoggaanka iyo Aragti-gudbinta

       Hirgeliyo aragtida istiraatiijiyadeed ee ku aaddan dugsiga barbaarinta

       Kobciyo, isku-xirnaanta, iyo hal-abuur macalimiinta iyo shaqaalaha dugsiga.

       Dejiyo yoolal iyo ujeeddooyin lagu gaadho guulaha waxbarasho.

2.   Manhajka iyo Habka Waxbarashada

       Kormeero, qaabeeyo sidoo kalena hirgeliyo manhajka qaybta barbaarinta.

       Hubiyo inuu manhajku lajaanqaadayo baahiyaha waxbarashada ee ardayga.

 

       La socdo tayada waxbaridda sidoo kalena uu hago qorshayaasha iyo hawlaha waxbarasho ee dugsiga.

3.   Maamulka iyo Horumarinta Shaqaalaha

       Tababaro, qiimeeyo macallimiinta iyo shaqaalaha qaybta barbaarinta.

       Kobciyo fursadaha horumarinta xirfadeed, hagidda, iyo iskaashiga macalimiinta iyo shaqaalaha.

       Qiimeeyo waxqabadka shaqaalaha oo si hufan uga jawaabo cabashooyinka shaqaalaha.

4.  Horumarinta iyo Daryeelka Ardayda

       Hubiyo badqabka, ammaanka iyo xannaaneynaya dhammaan carruurta.

       Hirgaliyo barnaamijyada taageeraya korriinka maskaxda, iyo jidhka ardayda

       Qiimeeyo horumarka waxbarasho ee ardayda.

5.  Isku-xirnaanta Waalidka iyo Dugsiga

       Hirgaliyo iskaashi adag oo lala yeesho waalidiinta, xidhiidh iyo kulamo joogto ah.

       Kobciyo jawi iskaashi oo dhagaysto, qiimeeyo talooyinka iyo ka-qaybgalka waalidiinta.

6.  Maareynta Hawlaha Dugsiga

       Si hufan u maamulo kharashaadka iyo agabka dugsiga.

       Hubiyo u hoggaansanaanta sharciyada iyo xeerarka badbaadada caruurta.

       Dhaqan geliyo siyaasadaha iyo nidaamyada dugsiga.

7.  Hubinta Tayada iyo Warbixinta

       Adeegsado xogta si loo qiimeeyo waxqabadka dugsiga loona sameeyo horumar joogto ah.

       Diyaariyo warbixino joogto ah oo loogu talagalay maamulaha guud iyo maamulka xafiiska waxbarashada ee HAKO.

       Sameeyo qiimaynta gudaha iyo dibadda si loo ilaaliyo heerarka waxbarashada ee dugsiga.

8.  Badbaadinta iyo Ilaalinta Carruurta

       Dhaqan geliyo siyaasadaha ilaalinta carruurta si loo ilaaliyo badqabka iyo amaanka ardayda.

       Ku tababaro kuna korjoogteeyo shaqaalaha habraacyada ilaalinta carruurta, shaqaalaha iyo agabka dugsiga

Skills and qualifications

9.     Shuruudaha Shaqada:

-         Booskan waxa soo xeraysan kara kaliya Dumarka (dhedig)

-         Heysto ugu yaraan shahaaddada darajada labaad ee heer jaamacadeed oo takhasus waxbarasho ah (M. Ed), ama fiilalka la xidhiidha, oo ah heer caalami, ama ay wasaaradda waxbarashadu aqoonsan tahay.

-         Leeyahay khibrad waxdhigid oo ugu yaraan 5 sano ah.

-         Leeyahay khibrad maamul oo la xiriirta nidaamyada waxbarashada qaybta barbaarinta ugu yaraan 3 sano, waliba haddii ay dalka dibaddiisa tahayna, waxa uu heli doonaa mudnaan gaar ah.

-         Leeyahay xirfadaha hoggaaminta, maareeynta mushkiladaha iyo go’aan qaadashada.

-         Lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimmi karta.

-         Leeyahay diin, akhlaaq fiican iyo dulqaad, kana fayow yahay cudurada la is qaadsiiyo, aanu lahayna iin wax u dhimmi karta gudashada xilkiisa.

-         Horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.

-         Leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.

-         Leeyahay xirfadaha asaasiga ah ee isticmaalka kombiyuutarka.

-         Leeyahay xirfadaha qoraalka iyo soo bandhiggidda.

-         Aqoon fiican u leeyahay luqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo English ka.

-         Da'deedu aanay kayarayn 30 sano

10.      Lifaaqyada Muhiimka ah:

-         Nuqul shahaaddada iyo trancriptiga darajada 1aad ee jaamacadda

-         Nuqul shahaaddada iyo trancriptiga darajada 2aad ee jaamacadda

-         Nuqul taariikh nololeedka (CV).

-         Saddex nuqul oo ah (Recommendation Letter – ةيكزت).

-         Hal sawir oo la qaaday labadii bil ee ugu dambeysay.

       Nooca Heshiiska Shaqada: Heshiish Xaddidan (1 Sano).

       Wakhtiga Shaqada: 8 Saac.

Attachments

How to apply

       Qaabka Dirista Codsiga: [email protected] or [email protected].

       Xilliga kama dambaysta ah ee aqbalaadda codsiga: 30/ 12/2024.

Similar Jobs

Dugsiyada Ogaal ee Caalamiga ah – مدارس أوجال العالمية , waxa loo aasaasay in laga soo saaro arday hormuud ah oo aad udhisan diin ahaan, akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba. Ardayga waxa loo diyaariyay deegaan habboon waxbarashada, iyada oo ay u dhan yihiin dhammaan agabkii iyo manaahijtii waxbarasho. Ardaygu waxa uu qaadan doonaa Manhajka Qaranka JSL, UK Pearson Edexcel International IGCSE, iyo manaahij kale oo dheeraad ah, waxana u dhigi doonaa barayaal isugu jira waddaniyiin iyo ajaanib. D

See company details